Guddiga Qarsoon Ee WADDANI Oo Go’aamiyay In Xilalka Laga Qaado Xoghayaha Guud Iyo Qaar Ka Mid ah Guddoomiye Ku xigeennada Xisbiga

0
338

Hargeysa (Dawan)-Guddiga mus-dambeedka  Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ka kooban 20 xubnood oo u badan beel qudha, ayaa la sheegay in kulamadoodii u dambeeyay ay ka soo saareen qodobbo ay u arkaan in xisbigoodu guul ku hawaysan karo mustaqbalka dhow.
Waxay Guddigu qaraar ku gaadheen in xisbigu bedalo Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi (Uur-cadde) iyo qaar ka mid ah Guddoomiye ku xigeenadda xisbigaas gaar ahaan Guddoomiye Ku xigeenka labaad Md. Faarax Dheere, kaasi oo ay ku talliyeen in lagu bedalo Cali Kubad oo hore u ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan ku biiray xisbigaasi, waxaanay xubnaha ay salluugeen   ku tilmaameen inay yihiin xubno aan xisbiga u soo jiidi Karin taageereyaal isla markaana ah qaar aan hanan karin bulshadda deegaamada ay ka soo jeedaan.
Warkan oo aanu ka helay ilo ka ag-dhow xarunta dhexe ee  WADDANI, ayaa intaas ku daray in Guddiga qarsoon ama haddii si kale loo yidhaahdo “Guddida Mus-dambeedku” ay ku hawlan yihiin sidii ay u soo xuli lahaayeen masuuliyiintii lagu bedali lahaa xubnaha ay ku sifeeyeen wax ma tarayaasha  xisbigooda .
Waxa kale oo la sheegay in Guddigan oo aan meelna kaga jirin sharciyadda iyo qaab-dhismeedka xisbiga WADDANI, haddana waxay buuxiyeen  kaalintii Guddiga fulinta oo qodobbada ay soo jilciyaan uu hoggaanka xisbiguna  deg-deg fulin ugu bedalaa.
 
 
Tallaabada xisbiga WADDANI doonayo inay ku bedalaan Xoghayaha Guud iyo  qaar ka mid ah Guddoomiye Ku xigeenada, ayaa ka dhalatay markii ay shaki la’aan ku qanceen in xisbigaasi  lumiyay taageerada dadweynaha oo ay sii shiiqayso maalin-ba maalinta ka dambaysa kalsoonida bulshadu ku qabto, taasina ay keentay inay badka soo dhigaan qorshaha ay kaga  takhaluyaan xubno  ka mid ah Hoggaanka xisbigaasi. si ay u hawl-geliyaan  wajiyo cusub oo kasban kara taageereyaal ku soo biira xisbiga.
 
Geesta kalena waxa la sheegay in Guddigaasi ay ku jaho-wareertay hanaankii ay u xulan lahaayeen Murrashaxooda madaxweyne Ku xigeenka oo ay saluugsan yihiin kartida xubnaha illaa imika iclaamiyay inay mansabkaasi u tartamayaan.
 
Waxa kale oo xisbiga WADDANI todobaadkan u qorshaysan inay magaaladda Hargeysa ku qabtaan xaflado waji ku macaash ah oo ay dad shicib ah xaflado ugu qabanayaan oo ay leeyihiin waxa nagu soo biiray beelo iyo dad taageeri jiray xisbul-xaakimka KULMIYE, waxaanay isku raaceen inay xafladahaasi indho sarcaadka ah ka dhigaan qaar joogto ah.
 
Saylici Oo Ka Hadlay Qasdiga Ay Ka Leeyihiin Wada Hadallada u  Socda Soomaaliya
By: Khadar  M. Dhako
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Md.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in qasdiga ay ka leeyihiin wada hadallada ay la fureen Soomaaliya la xidhiidho sidii ay mustaqbalka labadaas dawladood u kala bixi lahaayeen.
 
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu magaaladda Minnesota ee dalka Maraykanka kula yeeshay qurbo-joogta Somaliland, oo uu uga xog waramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarka ay xukuumadiisu ka samaysay adeegyadda aasaasiga ah ee nolosha lagama maarmaanka u ah.
“Wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya annaga ayaa furnay,  ujeedada aan ka lahayn, wada hadalada qabsoomay waxay ahayd in beesha caalamka ka helno aqoonsi toddobada meelood ee la iskugu yimid intaba beesha caalamka  ayaa goob-joog  ka ahaa, markaa beesha caalamka inta ina taqaanay saddex  sanno ka hor in maanta Boqol jeer ayay laban-laabantay, sababta oo ah mar kasta oo la isku yimaado warbaahin caalamiya ayaa imanayay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana la socoteen in laba madaxweyne oo  simani   ay isa soo hor fadhiisanayeen,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.
 
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu tilmaamay in ka xumuumad ahaan ay ka go’an tahay in ay ilaaliyaan dastuurka dalka u yaalla ee lagu doortay waxaanu   yidhi  “Waxaanu ku qanacsanahay in wixii umadda  Somaliland ku heshiisay ee dastuurka yaallaa dhigayo  ee umaddu nagu dooratay ee qaranka Somaliland  iyo midnimadiisa aan ku hogaamino loona wada hadlo iyagoo ah Soomaalidii Talyaanigu gumaysanayay iyo innagoo Somaliland tii Ingiriisku xukumi jiray labadaas ayaa loo wada hadlayaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply