Xukuumadda Somaliland Oo Ka Tacsiyadaysay Kenya Weerarkii Khasaaraha Badan Dhaliyay Ee Lagu Qaaday Jaamacadda Gaarisa

0
385

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda  Somaliland ayaa ka tacsiyadaysay dawladda Kenya weerarkii ay Khamiistii doraad  kooxda Al-Shabaab ku qaadeen   Jaamacadda magaaladda  Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Barri  ee dalka Kenya, weerarkaasi lagu qaaday Jaamacadda oo ay ku dhinteen 147 qof kuna dhaawacmeen 80 qof oo ay Sheegteen AL-SHABAAB.
Wasiirka  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay u waramay DAWAN, ayaa sheegay in ay dawladda Kenya, madaxweynaha,  shacabka Kenya  iyo ehelada dadkii weerarkaasi ku geeriyooday ay ka tacsiyadaynayaan falkaasi waxshinimadda ah ee lagu laayay ardayda aan waxba galabsan.
“Xukuumadda Somaliland waxay ka tacsiyadaynaysaa dawladda Kenya  Madaxweynaha,  baarlamaanka, shacabka reer Kenya  iyo eheladda dadkii ku dhintay weerarkii Khamiistii doraad lagu qaaday Jaamacadda magaaladda Geerisa ee gobolka Waqooyi barri Kenya ee ay Soomaalidu degto, waxaananu leenahay aad iyo aad ayaanu uga xunahay falkaasi lagu laayay dadka aan waxba galabsan, ee rayidka ahaa, oo iyagu arday Jaamacadda waxbarasho ku jiray ahaa.
Waanu ka tacsiyadaynaynaa Kenya dhibaatadaasi loo geystay, waxaanu ahaa weerar lagu bartilmaameedsaday goob waxbarasho,  eheladii iyo qaraabada ay ka baxeen dadkii  halkaasi lagu laayay waxaanu leenahay waanu idinka tacsiyadeynaynaa dhibtaas idin soo gaadhay dadkii ku dhaawacmayna waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg-deg ah,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
 
 
Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland  ayaa bogaadisay madaxweynaha   cusub ee ee  dalka Nigeria Mohamedu Buhari, oo  ku guulaystay doorashaddii totobaadkii hore dalkaasi ka dhacday.  “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Nigeria, Mohamadu Buhari, guusha uu ka gaadhay doorashaddii todobaadkii hore ka dhacday dalkaasi, aad iyo aad ayaanu ugu hambalyaynaynaa, xukuumad ahaan, waananu ku  faraxsanahay sida wanaagsan ee ay doorashadaasi u dhacday. Waxa kale oo aan isna ku bogaadinayaa Madaxweynihii hore God Luck Jonathon sida qiimaha iyo sharafta leh ee uu u aqbalay natiijadii doorashadda ka soo baxday ee uu qiray in laga adkaaday.Waan ku taageerayaa sida uu u aqbalay waanan soo dhawaynaynaa Madaxweynaha cusub guusha uu ka gaadhay doorashadaasi,”ayuu yidhi Wasiirku.
 
Maxamed Biixi, oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanay  arrintaasi   muujinaysaa bisayl siyaasadeed iyo tallaabo horumar ah  oo ay Nigeria  madaxdeeda iyo shacabkeeduba ay hore u qaadeen, waana mid ku dayasho mudan.  waana  mid loo baahan yahay in wadamadda Afrika ay ku daydaan.  waxaanay muujinaysaa horumar ay Nigeria iyo dalalka kale ee Afrika ka gaadheen xagga dimuqraadiyadda, waana talaabo horumar ah oo loo qaaday dhinaca  dimuqraadiyadda iyo nidaamka ah in doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacday, si nabadgelyo ah ay xukunka laba madaxweyne isku bedelayaan.”
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply