Iiraan oo Ballanqaaday inay u Hoggaansamayso Heshiiska ay la Gaadheen Lixda Dal

0
403

Madaxweynaha Iiran ayaa ballanqaaday in ay u hoggaansamayaan heshiiska hordhaca ah ee nukilyeerka ee ay la saxeexdeen lixda dale e quwadda leh tan iyo inta ay iyana sidaasi si la mid ah sameynayaan.
“Dunidu waa in ay ogaataan in aanaan u dan lahayn  in aan khiyaamayno,” ayuu ydihi  Hassan Rouhani isaga oo  khudbad qaranka uga jeedinayay  televishanka.
Haseyeeshee  Mr Rouhani waxa uu ka digay in ay Iiraan helayso waxyaabo kale oo ay doorato haddii ay dalalka quwaduhu ay go’aansadaan inay maalin uun qaadaan waddo kale.
Kaddib, hal todobaad oo ay wada lahaayeen wadaxaajood is daba jooga, Iran iyo lixda wadan ee dunida ugu xooga badan, ayaa waxa ay ku heshiiyeen qaabka uu noqonayo heshiinka kama danbaysta ah ee barnaamijka nukliyeerka ee waddanka Iiraan.
Isaga oo ka hadlaya Aqalka Cad ee waddanka Mareykanka looga arimiyo, ayaa Madaxwayne Obama, waxa uu sheegay in heshiiskani uu ka dhigi doono dunida amaan hadii buu leeyahay  sida la rajaynayo uu horseedo heshiis dhamaystiran dhamaadka bisha June ee fooda inagu soo haysa.
Madaxwayne Obama, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaadheen waddanka Iran iyo lixda wadan ee dunida ugu awooda badan ee ku saabsan qaabka uu noqon doono heshiiska kama danbaynta ah ee banaamijka nukliyeerka ee waddanka Iran.
Wuxuuna sheegay in arintaas shaqo badan la galiyay taasi oo haatan  midho dhashay.
Federica Mogherini, oo ah dublamaasiyad sare oo ka tirsan ururka Midowga Yurub, ayaa akhriday hadalka wadajirka ah ee ay soo saareen, oo qeexayay qodobada ugu doorka roon heshiiska, kuwaas oo ay ku jiraan, in la yareeyo aaladaha nukliyeerka loo isticmaalo ee Centrifuges ee waddanka Iran.
In isbadal lagu sameeyo meelaha loo isticmaalo farsameynta nukliyeerka Iran iyo in laga qaado cunaqabataynta wadankaasi hadii talaabooyinkaasi la xaqiijiyo.
Heshiiskani waa isfahan aan qornayn, waana heshiis aan caadi ahayn wuxuuna aas aas u yahay wadaxaajood aad u dag oo arinta lagu balbalaadhinayo.
Laakiin dadka ka soo shaqeeyay waxay u dabaal dagayaan arin adag oo ay ku guulaysteen suurtagalna ka dhigaysa in ay gaadheen arin taariikhi ah.
 

Leave a Reply