Qiso: “ Waxaan la Joogay Dad Aan Ku Dhibayn, Kuna Xamanayn”

0
393

Nin dadkii wanaagsanaa (Saalixiinta) ka mid ahaa ayaa Maalin booqday  xabaalaha, Markaasaa la waydiiyey: Xageed tagtay Maanta?
Wuxu ku jawaabay “ waxaan la joogay dad haddii aad la joogtana aan ku dhibeyn, haddii aad ka maqan tahayna aan ku xamaneynin.  Waxay ku yidhaahdeen dadkaasi ww kuwee ?  wuxuu yidhi: waa dadka qubuuraha ku jira .
waxaa la yidhi: Ma u soo Duceysay?  Wuxuu ku Jawaabay:Haa. Waana wada sheekaysanay. Waxa lagu yidhi: Maxaa ku wada Hadasheen?
Wuxuu yidhi: Waxaan ku idhi Ahlu Qubuurkii Goorma Ayaad Halkaan Ka Guureysaan?  Waxay iigu jawaabeen “ Markii aad noo Timaadaan Baan Halkaan Ka wada Guureynaa”.
Saaxiibadiisa su’aalaha weydiinayay ayaa ku yidhi: Anaguna war ayaanu kuu haynaa oo manta meceeshadii ayaa qaaliyowday.
Dadka ayuu ugu jawaabay ( علينا ان نعبده كما أمر وعليه ان يرزقنا كما وعد)
Oo Macnaheedu yahay:- (Anaga Waxa saaran Inaan Allaah ka cabsano Sida uu ina faray, Allahna Waxaa Dushiisa ahaaday Inuu Ina Arsaaqo Sida uu Inoo Balan Qaaday). Sidaa darteed Arsaaqda Allaah (sw) ayey Gacantiisa ku jirtaa, mana ah inaad ka werwertaan.

Leave a Reply