Qaabka Looga Hawl-gelayo Maalinta Nadaafadda Oo La Bayaamiyay

0
337

Hargeysa, (Dawan)- Guddiga bilicda iyo nadaafadda heer qaran, ayaa ku dhawaaqay in maalinta salaasada ee todobaadkan ee ay bishu tahay 07,04,2015. loo asteeyay maalinta nadaafadda iyo kor u qaadista bilicda, waxaanay bulshada reer Somaliland kula  dardaarmeen in wada-jir looga wada qayb qaato hawshaas.
Guddiga nadaafadda iyo kor u qaadista bilicda oo shalay warbaahinta kula hadlay caasimadda Hargeysa ayaa bulshada ku baraarujiyay ka  qayb qaadashada kor u qaadista nadaafadda dalka oodhan.
Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare iyo Maayerku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, oo ka mid ah guddidan ayaa tilmaamay faa’iidada ay nadaafaddu u leedahay noolaha iyo sida loogu baahan yahay in qof kastaaba ugu dedaalo dhankiisa oo aanu cidna ku hallayn. “Waxaynu maanta (shalay) isugu nimi inaynu bulshada reer Somalilad xusuusino in maalinta salaasadda ah ee soo socota oo ay bishu tahay 07/04/2015. Inay tahay maalinta aynu u astaynay nadaafadda iyo kor u qaadista bilicda dalka, waxaana maalintaa halku dhig inoo ah muwaadin waa xil ku saaran nadaafadda deegaankaagu, waana inaynu ka wada qayb qaadano oo aynu mafiiqaha u qaadano kor u qaadista  bilicda dalka.” ayuu  yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxa kale oo aan farayaa wasaaraddaha iyo dhamaan hay’addaha dawladda inta aan weli dhigin wajahadooda iyo inta laamiga u dhaxeysa marmarkii inay dhakhso udhigaan oo ay ka  qayb qaataan kor u qaadista bilicda dalka.”
Wasiirka wasaaradda deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa dhankeeda tilmaantay sida loogu baahan yahay in wada-jir looga qayb qaato nadaafadda dalka oo dhan. “Arrintu maaha wax yar oo fudud waa arrin qaran oo waajib inagu wada  ah dhamaanteen inaynu ka wada qayb qaadano, waxaanan aad iyo aad halkan farriin uga dirayaa madaxda degmooyinka dalka iyo haydh tuulayaasha oo aan leeyahay maalintani maaha maalin u gaar ah magaalooyinka oo keliya, balse waxa aynu ka wada shaqaynaynaa waa nadaafadda dalka oodhan ee waa in laga wada qayb qaato oo loo soo wada baxo dalka oo dhan sababtoo ah hadba inta aynu nadaafadda kor u qaadno ayuu  caafimaadkeenuna ku xidhan yahay.”
Maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa ahna ku simaha duqa Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi, ayaa  caddeeyay inay degmooyinka caasimadda Hargeysa u  diyaariyeen  abaal-marino ay ku kala guulaysan doonaan oo ay ku mutaysan doonaan degmooyinka caasimadda Hargeysa sida ay ugu kala wanaagsanaadaan tartanka  kor u qaadista bilicda caasimadda Hargeysa.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply