Askari Toogasho Ku Dilay Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka, Mid Kalena Ku Dhaawacay Jiida Gambadha

0
372

Gambadha (Dawan):- Alle ha u naxariistee Waxa  toogasho ku geeriyooday Marxuum Alifle Caydaruus Cawaalle Shaacuur oo ka tirsanaa guutada 8.aad ee  qeybta 12 aad ee Ciidanka Qaranka oo fadhigoodu yahay  Jiidda hore ee gobolka Sool ee Gambadha halka uu dhaawacmay dable Cabdi Ibraahim Cabdilaahi, ka dib markii uu toogtay laba alifle Mustafe Saalax, oo ay isku guuto ka tirsanaayeen. Askariga dilka geystay ayaa waxa markiiba gacanta ku soo dhigay ciidanka qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali (Cadami), ayaa balan-qaaday in dilalka ka dhaca ciidanka dhexdiisa in sharciga lagu qaadayo cidda geysata darajo kasta ha lahaadee waxaanu meesha ka saaray in laba beelood ay ka wada hadli karaan ama mag ku kala qaadan karaan dilalka ciidanka gudihiisa ka dhaca
“Dilka ciidanka gudihiisa ka dhaca sharciga diinta Islaamku siduu dhigayo ayaa lagu qaadayaa, mana dhacayso in ay soo faro-geliyaan ama mag ku kala qaataan laba beelood waajibku siduu yahay ayaa laga yeelayaa oo lagu qaadayaa oo lagu fulinayaa .” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo  xalay u warramayay wargeyska DAWAN.
Ciidanka Qaranka ee jiidda hore,ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan  Askariga dilkaas foosha xun geystay, waxaana isla shalay-ba loo soo gudbiyay oo uu ku xidhan yahay jeelka Burco. Waxa kale oo cisbitaalka Burco lagu dabiibayaa askarigii falkaas ku dhaawacmay.
 
 
.
 
Geesta kale saraakiisha sar sare ee ciidanka Qaranka ee aagga bari oo uu hor kacayo Taliyaha aagga Bari Gaashaanle Sare Cali Barre Xuseen taliye qaybeedyada 12.aad iyo 31.aad iyo maamulka gobolka Sool,ayaa shalay ka qayb galay jinaasadda aas qaran oo loo sameeyay marxuum Alifle   Caydaruus Cawaalle Shaacuur oo si heer  Qaran ah loogu aasay magaalada Laascaanood.
Saraakiisha ciidanka Qaranka ee Jiidda hore,ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in aanu baxsan oo ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglaha dilka iyo dhaawaca geystay una soo dhaadhiciyeen dhanka magaalada Burco  ee Xarunta gobolka Togdheer oo uu ku xidhan yahay,waxaanay intaa ku dareen in askariga dhaawaca ahna xaaladiisu fiican tahay laguna dawaynayo cisbitaalka Burco.
Muddoooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay dilalka ay geystaan Askartu iyadoo jireen dilal hore uga kala dhacay Gabilay oo askari boolis ahi uu ku toogtay Taliyihii saldhigga degmada Arabsiyo. Halka askari ka tirsanaa ciidanka qarankuna uu fadhiisinka ciidanka qaranka ee degmada Qorilugud uu ku toogtay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka qaranka kaasoo baxsaday oo aan la qaban. Dilka saddexaad ee askari gaystay ayaa ahaa askari boolis ah oo toogashoku dilay Marxuum Ganacsade Gacama dheere kaas oo isna lagu guulaystay in ciidanka boolisku ay gacanta ku soo dhigaan iyo dilka ugu dambeeyay oo ah kan shalay ka dhacay jiidda hore ee ciidanka Qaranka ee gobolka Sool ee Gambadha oo isna lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo askarigii geystay dilka.

By: FaysalXiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply