Golaha Ammaanka iyo Baaqa Ruushka ee Hakinta Duqaymaha Yemen

0
355

Madaxweynaha haatan ee golaha ammaanka, ahna safiirka Qaramada Midoobay u fadhida Urdun, Dina Kawar, ayaa sheegtay in xubnaha golaha ay u baahan yihiin waqti ay kaga fikiraan, baaqa Ruushka ee ah in la hakiyo duqeynta Yemen.
Amb. Dina Kawar oo warbaahinta la hadashay ka dib kulan degdeg ah oo uu golaha yeeshay, ayaa sheegay in ay diirada saarayaan in xal waara loo helo mushkiladda Yemen.
Xulafada uu Sacuudiga horkacayo ayaa Yemen saaray xayiraad dhanka cirka, dhulka iyo badda ah, waxaana dalkaasi uu yahay mid go’doonsan.
Ma jirto cid geli karta ama ka bixi karta, marka laga reebo muwaadiniinta shisheeye ee doomaha looga daadgureynayo magaalada Cadan.
Hay’addaha gargaarka ayaa sheegaya in ay gaadhi la’ yihiin goobaha ay duqeymaha saameeyeen iyo weliba kuwa sida xun ay ugu dagaallameen xooggaga daacada u ah madaxweyne Cabdurabbah Mansuur Haadi iyo fallaagada.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegaysa in hakinta duqeymaha si degdeg ah loogu baahan yahay, si ugu yaraan qoysaska ku nool goobaha la duqeeyay ay u helaan cunno iyo dawo.
 

Leave a Reply