Danjire Kaysar Cabdilaahi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
392

Hargaysa (Dawan) – Safiirka wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo  fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska oo uu saacido dhaqdhaqaaqyadda aqoonsi raadinta dalka, ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa.
 
Waxa danjiraha si diiran ugu soo dhaweeyay  caasimadda Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo dhalinyarro, waxaana ka mid ahaa madaxdii soo dhawaysay  Wasiir-ku xigeenka wasaarada Qorshaynta qaranka  Md. Cabdikariin Axmed Mooge, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta  Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, Maareeyaha Telefishanka qaranka Md. Khadar Xasan Cali Gaas iyo madax-dhaqameed.
 
Safiirka wareega ee Somaliland Md. Kaysar Cabdilaahi oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu ka mahad celiyay sida diiran  ee loo qaabilay, waxaanu yidhi  “Waxaan maanta ku faraxsanahay in la igu soo dhaweeyay  dalkaygii hooyo,  waxaan si kal iyo laab ah ugu mahad-celinayaa Madaxda iyo dadka kale ee iga hor yimid-ba.”
 
 
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Qorshaynta qaranka Md. Cabdikariin Axmed  Mooge, oo ka hadlay soo dhawaynta danjire Kaysar, waxa uu yidhi  “Safiirku Waxa uu ka mid yahay dadka qiimaha leh ee reer Somaliland ee haddii ay joogaan iyo haddii ay maqan yihiinba dalkooda wax u qabta, anigoo taas ixtiraamaaya ayaan halkan ku soo dhawaynayaa Safiirka wareega ee Somaliland, waxa aan leeyahay in aan ku soo dhawyno waad naga mudan tahay ee Safiir soo dhawoow.”
 
 
“Maanta waxa noo farxada ah in aan soo dhawayno safiirka wareega ee Somaliland oo ah, waxaan ku leeyahay soo dhawoow dalkaaga iyo dadkaaguba way ku ogyihiine.Kollay waa noo farxad in aanu  ku qaabilo, waxaanu adiga iyo jaaliyadda reer Cardiff ee wadanka Ingiriiskaba ku bogaadinaynaa hawshii qaran ee aad qabateen ee Golaha deegaanka magaalooyinka Sheffield iyo Cardiff innagu aqoonsadeen-ba,”ayuu yidhi  agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Md. Dr. Jaamac Maxamed.
Waxa isaguna ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase).
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply