Soo Dhawayntii Socdaalka Hoggaanka KULMIYE Oo Gil-gilay Magaaladda Burco

0
336

Burco (Dawan) Weftigii uu hogaaminayay  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Burco,waxaana ka hor-tagay kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga KULMIYE oo watay gaadiid tiro badan, ayaa gabi ahaan-ba saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii magaaladda Burco.
Weftigan  waxa degmada Qoyta kaga hortgay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer iyo taageerayaasha Xisbiga ee Togdheer.
 
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la hadlay taageerayaashii soo dhaweeyay, ayaa u mahad-celiyay taageereyaashii soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in xisbiga ay reer Burco tiir dhexaad u yihiin bulshadii taageertay doorashooyinkii kala dambeeyay ee ka dhacay dalka.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Xisbi ahaan ay fuliyeen balan-qaadyadii ku xusnaa Barnaamijkii xisbiga KULMIYE ee ay doorashada ku galeen, waxaanu yidhi “Goobtan aynu ka hadlaynaa waa xaruntii Xisbiga KULMIYE uu kala hadli jirnay taageerayaashiisa xiligii doorashadii Madaxtooyada loo tartamayay, Xisbiga KULMIYE xiligaa Barnaamji buu idiinla yimid oo shantii sannadood Barnaamijkii uu idiinla yimid  wuu ka dhamaaday , haddana waxa uu gacanta ku hayaa waa saayid ka badan Buugaa Barnaamijka uu idiinla yimid . Doorashada dambe Barnaamijka aanu yeelanaynaana, saaxiibadayada Xisbiyada Mucaaridka ahna waxaanu leenahay walaalayaal tartan baa inaga dhexeeya.”
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo halkaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “KULMIYE in badan baad sugayseen oo Xisbiyadu is weydaaranayeen, maanta iyaga oo oodoodii wata ayay Burco marayaan hormoodkii Xisbigu, waxa la innooga baahan yahay sidii aad u taageerteen ee aynu markii hore u dhisnay in aynu imikana u dhisno.”
Maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad ayaa sidoo kale isaguna halkaasi ka hadashay waxaanu sheegay in Xisbiga KULMIYE aan lagula tartami karin Burco, waxaanu yidhi “Waxaanu idinku soo dhaweynaynaa halkii la idinku doortay iyo Ummad idin heegan ah oo markii horeba idin dooratay, maantana idinla diyaar ah inay mar labaad iyo saddexaadba idin doorato, KULMIYE isaga oo aan dawlad haysan oo Xisbi mucaarid ah ahaa ayuu ku soo baxay doorashadii madaxtinimada Somaliland. Maantana iyadda oo  Xisbigii iyo dawladiiba ay KULMIYE tahay ma cidbaa ina hunguraynaysa.”

By. Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply