“Dib u dhaca Doorashadda Cirro Ayaa Ka Masuul Ah, KULMIYE Ma aha Mid La Rujin Karayo”

0
327

Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali  oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Ciro inuu mas’uul ka yahay dib u dhaca ku yimi doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda.
Xildhibaan Maxamed Jaamac oo shalay u waramayay wargeyska Dawan ayaa tilmaamay in xisbiyadda mucaaradku dalka ka wadaan qas iyo fawdo ay ku doonayaan madaxtinimo, waxaanu carabka ku dhuftay in aan loo dulqaadan doonin cidii sharci darro wax ku doonaysa.
“Dib u dhaca doorashooyinka ku yimi iyo waxyaabaha la xidhiidha, waxa khaladkeeda iska leh xisbiyadda mucaaradka oo ahaa kuwii u horseeday in la laalo diiwaangelintii hore, taas ayaa sababtay in dib u dhacaasi ku yimaado doorashooyinka markii la laalayna diiwaangelintaa.
Guddoomiye Cirro isaga ayaa qalinka ku duugay haddii cidii khaladkeeda iska leedahay qofka koowaad ayuu noqonayaa ee dib u dhaca doorashooyinka masuul ka ah, waxaanan leeyahay  hal diidaysaa geed ay ku xoqoto ma waydo,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay  “Waxaan leeyahay dalku horumar ayuu u baahan yahay, dadkana waa in fawdada laga daayo, xukuumad ayaa dhisan sharci Goleyaashii sharci dejinta ayaa jira, haddii la doonayo in xoog xoog wax la iskaga qaado maalintii ina Rayaalle  80 cod ku helay, Kulmiye sharciga ayuu ilaalinayay.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu sharci darro ku tilmaamay kooxda la baxday Madasha Wadda Tashiga, waxaanu yidhi  “Waa sharci darro kooxdan la baxday Madasha Wadda Tashiga, wax madal la yidhaahdaa ma jirto, iyaga ayaa xaaraan ah,  kolkaasay goleyaasha sharci darro ku sheegayaan, nimankan la wareegaya dibin daabyada dalka loo dul qaadan maayo.”
 
“Shacabka Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay nabadgelyada ilaashadaan, iskana ilaaliyaan dadka xumo tashiilka ah, taasaa horumar lagu gaadhayaa.
By: Khadar Maxamuud Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply