“Xisbiga WADDANI Isaga Oo Saddex Sanno Jira Ayuu karayaa Oo La Hayn kari La’yahay”

0
339

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga tallada Somaliland  haya ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xiligii ay ahaayeen mucaaridka ay u hogaansameen tallooyin ay u soo jeediyeen Guddoomiyayaasha Xisbiyada UCID  iyo WADDANI, waxaanu tilmaamay inay u tanaasuleen danta iyo jiritaanka qaranka Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu shalay u jeediyay taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Burco waxa kale oo uu ku eedeeyay Xisbiga WADDANI in uu dalka ka wado carqalado siyaasadeed.
“Xisbga KULMIYE shacabku waxay u jecel yihiin oo Somaliland ku nagaaday,  waa Nabadda, markaad Nabad heshana waxaad raadinaysaa horumar, KULMIYE-na waa Xisbiga Nabadda iyo horumarka markaad barwaaqo gaadhana waa inaad ILLAAHAY ugu mahad-naqdo barwaaqadaa oo aanad isku khilaafin, ee  waxa la raadiyaa midnimo iyo wada jir, Xisbigeenna magaciisu waa Xisbiga horumarka iyo Nabada markaa KULMIYE waa saddexdaas oo la soo ururiyay,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu intaa ku daray “Mucaaridka weliba Xisbiga WADDANI waxa uu soo qaadaa oo uu yidhaahdaa KULMIYOOW waxaad samayn jirteen iyo waxaad ku hadli-jirteen baanu samaynaynaa KULMIYOOW ha is iloowbina markaad mucaaridka ahaydeen, waxaad lahaydeen, fagaaraynu uga sheegaynaa KULMIYE xaruntiisii laga aasaasay ee xuduntiisu ku aasan tahay waa Burco, Burco waa KULMIYE. Haddaba KULMIYE maxaanu samayn jirin?, waxaanu u sheegaynaa markii aanu doorashada galnay wakhtigii ugu horaysay inta doorashadii la galay baa la yidhi 80 cod ku dhaqaaqa.”
 
Muuse Biix waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro xiligii muddo kordhinta loo sameeyay Xukuumaddii Rayaale ay u hogaansameen tallooyin  ay u soo jeediyeen, waxaanu yidhi “KULMIYE isaga oo  Somaliland xeerinaya oo u tudhaya  ayuu ogolaaday markhaatina waad ka ahaydeen, labadii Nin ee maalintaa ugu adkaa ee garbo-duubka noo xidhay ee yidhi danta qaranka dhaafi maysaan Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo UCID ah bay ahaayeen. wey na qabteen KULMIYE-na wuu ogolaaday, iyagana maanta maxaa laga rabaa?, iyadda oo ay taasi jirto oo 5 sanno aanu mucaarid ahayn ayaa wakhtigii dhacay oo la yidhi waa la kordhinayaa  oo KULMIYOOW karkaaga la fadhiiso oo qabow waa tii Madaxtooyada la isku tagay, waa nala garbo-duubay oo labada xadhig ee ugu waaweyn ee nalagu jiiday  Cirro iyo Faysal baa nagu xidhay. Maalintaa wey mahadsanaayeen oo danta qarankay  ayay ka talinayeen annaguna waanu qabsoonay, mar labaad baa la kordhiyay mar labaadkiina sidii oo kale ayaa dhacday.”
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray “Mar walba UCID oo Cirro iyo Faysal iskaga hooseeyeen ayaa garbaduub nagaga dhigay kama xumin, waayo marka ay dhibaato timaado waa inaad u qabsoontaa cida aad wax wada leedihiin iyaguna wey na qabteen annaguna waanu u qabsoonay. Haddaba maanta maxaa yaalla? Xisbiga WADDANI waa imisa jir, Xisbiga WADDANI isaga oo saddex sanno maraya oo maalin qudha la odhan fadhiiso ayuu durba karayaa oo la hayn kari la’yahay.”

By. Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply