Gabadh 17 Sano Jirta Ayaa Geeriyootay Iyadoo U Eg 100 Jir Kadib Markii Uu Ku Dhacay Xanuun

0
385

Gabadhan oo u dhalatay dalka Ingriiska da’deeda caadiga ahina ahayd 17 sano ayaa geeriyootay. Gabahan yar oo uu ku dhacay xanuunka gabowga degdeg ah ayaa da’da jidhkeeda iyo unugyadeeda lagu qiyaasay inuu xanuunkani gaadhsiiyay da’da 100 sano. Gabadhan ayuu jidhkeedu u korayay sideed jeer in ka badan koritaankii caadiga ahaa. Wargeyska kulyuom ayaa sheegay in dunida oo dhan dadka xanuunkan qaaday ee la diiwaan geliyay ay yihiin 74 qof keliya.  Caruurta xanuunkan qaaday ayaa u dhinta xanuunada wadnaha, iyo kuwa maskaxda marka da’diisa caadiga ahi tahay 13 sano sida ugu badan inkastoo o ay mararka qaarna gaadhaan 17 sano.

Leave a Reply