Khaleda Zia oo Maxkamadi Damaanad ku sii Daysay

0
319


Markii ugu horeeysay muddo saddex bilood ah, ayay ka baxday dhismaha xafiskeeda si ay uga xaadirto maxkamad gaar ah oo dhageysaneysay dacwad ka dhan ahayd iyada, taasoo markii dambe damiin ku sii deysay.
Talaabadan ayaa waxaa loo arkay mid mustaqbalka dajineysa khilaafka u dhaxeeyay hoggaamiyaha mucaaradka iyo haweeneyda uu kala dhaxeeyo tartanka siyaasadeed ahna Raiisalwasaaraha Bangalaesh, Shekh Hasina.
Taageerayaasha Khaleda Zia ayaa sheegaya in eedeymaha loo soo jeediyay ay ahaayen kuwa siyaasad looga danleeyahay, taasi oo ku qasabtay in ay ku sugnaato dhismaha xafiiskeda tan iyo bishii Janaweri  sababta oo ah waxa ay ku hanjabtay in ay hor kici doonto dibadbaxyo balaadhan oo ay ku diideyso doorashoyinkii qaran ee lagu muransanaa sanadkii hore.
Balse mucaaradka ayaa sheegaya in go’aankeedii ahaa in ay dhismaha xafiskeeda ku sugnaato ay iyadu iskeed u qaadatay.
 

Leave a Reply