Madaxweyne Siiilaanyo Oo Ku Dhawaaqay Akaadiga Cilmiga Iyo Fanka Somaliland

0
372

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 13 xubnood oo ka hawl-geli doona Akaadamiga Cilmiga iyo Fanka Somaliland.
Sidaasna waxa lagu bayaamiyay  wareegto Madaxweynuhu ku magacaabay xubnaha Akaadamigaas, taasi oo soo baxday 21-kii bishii March 2015-ka, waxaana ku jira 4 Wasiir, hal Wasiir ku xigeen iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha qaarkood.
Akaadamigan waxa Guddoomiye ka ah Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof. Faarax Cilmi Geedoolle, waxaanu qoraalka lagu dhisay  oo aanu helnay u dhignaa sidan:-
“Mudanayaal iyo Marwooyin, Aniga oo tix-raacaya qoraalka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee ujeeddadiisu tahay soo jeedin magacaabidda Xubnaha Akaademiga Cilmiga iyo Fanka.
Haddaba, Mudaneyaal, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Akaademiga Cilmiga iyo Fanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaas darteed, waxaan idinka rajaynayaa in aad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan Hawlaha Cilmiga iyo Fanka Jamhuuriyadda Somaliland.

  1. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Guddoomiye
  2. Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiye ku xigeen
  3. Sacad Cali Shire Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta, Xubin
  4. Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Xubin
  5. Mudane Cabdi-kariin Axmed Mooge, Wasiir ku xigeenka W. Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta, Xubin
  6. Xildhibaan, Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Xubin
  7. Mudane, Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Xubin
  8. Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe), Xubin
  9. Saleebaan Axmed Guuleed, Xubin
  10. Mudane, Axmed Ibraahim Cawaale, Xubin
  11. Maxamed Warsame Ducaale, Xubin
  12. Siciid Axmed Xasan, Xubin
  13. Axmed Xuseen Ciise, Xubin

Leave a Reply