Wasaaradaha Dawladda Iyo Kaalintii ay ka Qaateen Ololihii Nadaafadeed Ee Dalka Laga Fuliyay

0
376

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradaha dawlada oo ay horkacayeen Wasiirrada iyo shaqaalaha ka hawl-gala Wasaaradahaasi ayaa shalay ka qayb qaatay ololaha nadaafadda dalka lagaga nadiifinayo qashinka, kuwaas oo hawlgalkan nadiifinta qashinka ka fuliyay goobo kala duwan oo ka mid ah Caasimada Hargeysa.
Ugu horrayn Wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in ololahan lagaga qay qaadanayo nadiifinta qashanka uu noqonayo mid joogto ah, waxaanu yidhi “Wasaarada arrimaha guddaha iyo dawladaha hoose waa inaanu joogtayno dadka ka shaqeeya oo ay Dawladaha hoose ay sameeyaan, oo hay’add kastaaba 50%  ay shaqaalahooga ka dhigaan dad Magaalooyinkooda nadiifiya oo ay joogto noqoto.”
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, madaxda kala duwan , shaqaalaha iyo hawl-wadeenada wasaaraddaasi ayaa  si ballaadhan uga qayb qaatay ololaha nadaafada ee shalay laga fuliyay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Wasiirka madaxtooyadda, wasiirudawlaha madaxtooyadda, agaasimaha guud, agaasimaha shaqaalaha, agaasimaha xisaabaadka, madaxa baratokoolka iyo qaybaha kala duwan ee shaqaalaha ayaa shalay subaxii hore kuwaaberiistay xaafadaha magaalada iyo suuqyada, iyagoo barbilow u ahaa ololaha nadaafadda ee shalay laga hirgeliyey degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed dhagax, Gacan libaax, Ibraahim koodbuur iyo 26 June.
Wasiirka madaxtooyadda mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa shacabka xaafada Dumbuluq kala qaybgalay ololaha lagu nadiifinaayo magaalada Hargeysa, waxaanu  gacantiisa ula tagay ururinta qashinka, waxaa wasiirka ka garab-shaqaynaayey Wasiiru-dawalaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha Guud e Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar, Agaasimaha Maamulka shaqaalaha, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Mudane Cali Axmed Cali, Agaasimaha Waaxda Baratakoolka Mudane Cabdiraxmaan Saqadhiiyo shaqaalaha madaxtooyadda oo ka hawl galaysay nawaaxiga Dumbuluq.
Dadweynaha xaafadda Dumbuluq ayaa markii ay arkeen wasiirka iyo shaqaalaha madaxtoooyadda ayaa dhankooda qayb lixaad leh ka qaatay ololaha nadaafada, waxaanay bilaabeen inay shaqada la qaybsadaan oo ay xaadhaan wadooyinka iyo xaafaddaha hortooda.
Maamulka iyo shaqaalaha madaxtooyadda ayaa agabka nadiifiinta la tagay goobaha ay ka hawlgalayeen, gaar ahaana halka ay shalay ka bilaabeen, halka dadweynaha qaarkoodna la soo baxeen wixii ay haysteen qalabka lagu nadiifiyo wadooyinka, iyagoo hees hawleedyo ku ladhaayey shaqadda.
Wasiir Xirsi oo warbaahinta kula hadlaayey goobta ay nadiifinaayeen ayaa ka warbixiyey qiimaha ay u leedahay reer Somaliland “halkani maanta waa ololihii, halka naynu ka bilawnay, wasaaradii madaxtooyada halkan ayaan kabilawnay, wasaaradihii iyo waaxyaha dawladda saaka waxaa loo qaybiyey in qoloba meel ka bilawday, waxaa loogu jira olole sidii loo nadaafadin lahaa ee qashinka iyo xashiishka looga nadaafadayn lahaa dalka, qofkastana waa ku waajib.”
“Waxaanu leenahay qof walawba gurigaaga iyo inta kugu dhaw bannee, dawladdaha hoosena waa shaqadoodii oo way ku hawlanyihiin sidii ay uga shaqayn lahaayeen, dawladda dhexena way caawinaysaa oo madaxweynaha ayaa mar soo saaray in dhamaan dalka oo dhan, balse caasimada oo jaanis u heshay hay’adii dawladda u badnaa inay shaqeeyaan ayey wasaaraddii madaxtooyadu halkan joogtaa, maayar ku xigeenkii iyo shaqalihiisii ayaanu ugu nimi si aanu hawshan dacalada u qabano sifiican ayey u socotaa” ayuu yidh wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka madaxtooyadda Somaliland ayaa baaq u soo jeediyey guudahaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan “Waxaan dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland leeyahay idinka oo isku duuban qof walawba ku dadaal sidii aad nadaafada uga qayb qaadan lahayd, nadaafadu caafimaadka waa ka badh, diintana waa ka badh.
Waxaanu leenahay qof walawba caafimaadka iyo noloshaada adiga oo u danaynaya oo aan cid gaara u danaynay gal, dacaayad malaha, iska weynayn malaha, waa waxeenii yo dalkeenii, qofkastaaba isagoo u tudhayaa dalkiisa iyo dadkiisa ha bilaabo oo halka uu joogo ha ka bilaabo.”
Wasiirka duulista iyo hawada Maxamudu Xaashi Cabdi ayaa isna sheegay in Wasaarad ahaan ay ka qayb qaateen ololaha lagu nadiifinayo qashinka, waxaanu yidhi  “Xukuumadd iyo shacabiga dhamaantood waxa la qorsheeyay in la iska kaashado in Magaaladda qashinka laga nadiifiyo, sidaa darteedna anaga waxa nagu soo hagaagtay in aanu ka qayb qaadano ololaha nadaafada dhamaan waan u hambalyaynayaa shaqaalah Wasaarada duulista iyo hawaddu siday shaqada u wadaan, waxaan leeyahay halkaa ka wada.”
Sidoo kale Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isaga iyo shaqaalihiisu ka qayb qaateen ololaha nadaafadda, waxa uu yidhi  “Waa in aanu nadaafadda guud ee Magaaladda ka shaqayno, Wasaaradduna si weyn bay ugu diyaar garawday sidaad ka war qabtaan oo shaqaale badan oo ka tisan oo Wasaarada ah  ayaa jooga, waxaanay ka soo shaqeeyeen qaybo badan oo Magaalada ka mid ah waxaana qaybtii ugu muhiimsanayd ee ololaha oo Wasaarada guddaheega iyo qaybaheeda ayay ka shaqaynayaan. Anagaa wadanay qalabkayaga iyo Majarafadahayga aad baanan ugu mahad naqayaa shaqaalaha hawshan ay qabteen, dadkana waxana odhanayaa maalin walba ku jiri mayno olole qof waliba gurigiisa qashinka ka soo saarayo ee waa inuu ku dadaalo inuu geeyo meelaha loogu tallo galay”
Dhinaca kale Wasaaradaha Caafimaadka, Biyaha, Maaliyada, Beeraha Macdanta iyo tamarta, shaqada iyo arrimaha bulshada, waxbarada ayaa ka qayb qaatay ololahan dalka lagaga nadiifinayo qashinka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply