Maraykanka oo Hubeynaya Xulafada Dagaalka Yemen

0
381

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sida ugu dhaqsaha badan hub ugu geyneyso xulafada uu Sacuudiga horkacayo ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta Yemen.
Mareykanka ayaa sidoo kale xoojinaya xogta mukhaabaraadka ee uu la wadaago xulafada, sida uu sheegay ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda ee dalkaasi, Antony Blinken.
Weerarkii ugu dambeeyay ee ay xulafadu qaado ayaa waxa ay ku bartilmaameedsadeen saldhig ay Xuutiyiinta ku leeyihiin gobolka Ibb.
Xuutiyiinta oo ku kacsan dawladda Cabdurabbah Mansuur Hadi, ayaa bilihii lasoo dhaafay qabsaday dhul badan oo ka tirsan Yemen.
Qaxooti badan oo Yemeniyiin ah, iyo muwaadhiniin ajaanib ah ayaa gaadhay dalka Jabuuti.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in todobaadyadii lasoo dhaafay dad tiradoodu lagu qiyaasay 550 qof ay ku dhinteen colaadda Yemen.
 
 
La Dhinaca kale, Mucaaradka dalka Yemen, ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen weerar hor leh oo ay ku qaadeen magaalada dekedda ah ee Cadan, oo ay dadaal ugu jiraan in qabsadaan.
Tobanaan muslimiinta Shiicada mucaaradka ah ee Xuutiyiinta, ayaa la sheegay in ay u gudbeen degmo ku taalla bartamaha magaalada oo ay ku dagaalamayaan maleeshiyo ku sugan goobta oo ay meel ay ku xoog badan yihiin taageerayaasha dowladda Yemen.
Dhowr guri ayaa dab la qabadsiiyay.
Iyagoo adeegsanaya codbaahiyayaasha masaajidyada ayay dadka ugu baaqayaan in ay kacaan oo ka hortagaan weerarayaasha.
Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo, oo dowladda taageersan ay garaaceen goobo mucaaradku degan yahay oo ku yaalla daafaha magaalada Cadan.
 
 

Leave a Reply