Askari Maraykan ah oo loo haysta Dilka Nin Madow

0
366

Maamulayaasha gobolka South Carolina ayaa dacwad ku soo oogay sarkaal caddaan ah oo toogasho ku dilay nin madow oo u muuqday inuu ka baxsanayey.
Duqa magaalada North Charleston, Keith Sumney, ayaa sheegay in go’aanka ah in sarkaalkaas la xidho la qaatay markii toogashada laga daawaday filim uu qaaday qof waddada dhinaceeda taagnaa.
Filimka ayaa muujinayey ninka la dilay, Walter Scott, oo dhabarka laga toogtay, kaddib isqabqabsi muddo yar socday oo dhexmaray isaga iyo sarkaalka.
Magaalada Ferguson ayay horey uga dhaceen dibedbaxyo loga soo horjeeday dilka wiil madow ahaa.
Arrintu waxay ka bilaabatay markii scott loo joojiyey nal dambe oo gaadhigiisa ka jabnaa.
FBI-da iyo waaxda caddaaladda ayaa baadhitaan wadajir ah sameynayo.
Walter scott walaalkiis, Anthony, ayaa sheegay in qoyska ay go’aankaas ku diirsadeen, oo ay u arkaan in cadaaladda la xaqiijiyay.
Arrintan ayaa timid iyadoo dalka Maraykanka dib u eegid lagu sameynayo tallaabooyinka laga qaado askarta caddaanka ah ee toogashada ku disho dad madow ah oo aan hubaysneyn.
 

Leave a Reply