Hargeysa(Dwan):- Maxkammadda Ciidammadda Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dil ku xukuntay gacan ku dhiigleyaal ciidan oo dilal gaystay, ka dib markii ay ku caddaatay in ay si badheedh ah dilal toogasho ah ugu dileen askar kale,halka ciidanka qaranka ee gobolka Badhan ee fadhigoodu yahay degmada Dhaharna ay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiigle dable Ina Siciid Wasame oo toogasho ku dilay taliyihii guutada 93 aad ee saldhigga sadexaad ee ciidanka Qaranka Laba Xidigle Baashe Cabdi Cali.
Maxkammadda Ciidammada qalabka sida ayaa dil qisaas ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Cabdi Cali Cabdilaahi oo toogasho ku dilay Marxuum Cabdi Baaruud Xasan oo ay ka wada tirsnaayeen Guutada 9 aad ee qaybta 12 ee fadhigoodu yahay gobolka Sool, dilkaasoo dhacay bishii March ee aynu soo dhaafnay.
Waxaa kale oo ay Maxkammadda Ciidammaddu dil qisaas ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Mustafe Saalax Samatar oo bishan bilawgeedii toogasho ku dilay Marxuum Caydaruus Cawaalle Shaacuur oo ay ka wada tirsnaayeen guutada 8 aad ee qaybta 12 aad ee gobolka Sool. Xukunka Maxmadda Ciidammada qalabka sida ayaa ka dhacay jiidda hore ee ciidanka qaranka ee gobolka Sool oo maalmihii u dambeeyay Maxkammadda ciidammadu hawl-gal shaqo ku joogtay.
Xukunka askarta dilalka geysatay lagu riday iyo qisaastooda oo la fuliyo ayaa la filayaa in uu soo af-jaro dilalka ciidammadda gudahooda ka dhaca oo muddooyinkii ugu dambeeyay soo noq noqonayay, iyadoo dilkii ugu dambeeyay ee ka dhaca ciidanka gudihiisana shalay lagu toogtay taliyihii Guutada 93 aad ee saldhigga sadexaad ee Ciidanka Qaranka laba xidigle Baashe Cabdi Cali oo uu toogtay askari ka tirsan guutada uu xukumayay marxuumku.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office