Iiran oo Magacaabaysa Safiirkii ugu Horeeyay ee Dumar ah

0
367

Dawladda Iran ayaa magacaabaysa danjiraheedii u horeeyay ee Haweenay ah, tan iyo wixii ka dambeeyay kacaankii 1979.
Wakaaladaha wararka ee ka agdhaw dawladda ee Fars iyo Mehr, waxa ay sheegayaan in aysan cadayn in jagadaasi aanay  heli doonin Marzieh Afkham, oo ah haweenay afhayeen u ah wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran.
Afkham waxa ay ka mid tahay haweenka ugu caansan Iran.
Haddii la magacaabo waxa ay noqon doontaa haweenaydii labaad ee Iiraniyad ah ee noqota safiir.
Mehrangiz Dolatshahi ayaa noqotay dan jirihii Iran u fadhiyay Denmark todobaatameeyadii(1970-meeyadii).
Madaxwayne Xasan Rawxaani waxa uu balan qaaday in uu hagaajin doono xuquuqda haweenka, markii uu ku jiray ololaha doorashada sanadkii 2013-kii
 

Leave a Reply