Saylici Oo Maraykanka Kala Hadlay Qaabka Somaliland u Isticmaasho Lacagaha Qurbo-joogu u soo Diro Eheladooda

0
419

Ottawa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti uu hogaaminayo  oo ku guddo jira  booqasho uu ku marayo  qaar ka mid ah wadamadda woqooyiga qaaradda America, ayaa sheegay in uu dawladda Maraykanka kala hadlay sidii loogu ogolaan lahaa in jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Maraykanka in ay lacago u soo diri karaan dadkooda dalka jooga.
Waxaanu sheegay in uu  dhawaan  Maraykanka  kulan kula yeeshay xildhibaan  ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka, isla markaana uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa xayiraadda ay dawladda Maraykanku ku soo rogtay in aanay Soomaaliya xawaaladuhu lacago u soo diri Karin, isagoo xusay in uu xildhibaanka u  sharaxay  in aan lacagta ay jaaliyadda Somaliland u soo diraan dadkooda aanay ahayn mid argagixiso lagu taagaaro.
 
C/raxmaan Saylici, oo xalay  khadka Telefoonka ugu waramayay warbaahinta qaranka, isagoo joogay magaaladda Ottawa ee dalka Canada oo uu ku joogo lugtii u dambaysay ee socdaal uu mudooyinkanba ku marayay  wadamo ka tirsan woqooyiga qaaradda Yurub, waxa kale oo uu ka hadlay kulamadii uu jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan dalalkii uu soo maray iyo waxyaabihii uu kala hadlay.
“Waanu kulanay Xildhibaanka, waxaanu ka tirsan yahay gudidda dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda Maraykanka.waa nin ka soo baxay gobolka Minneapolis oo dadka Soomaalida ee degan  dhamaantoodba ay  doorteen. Waxa ugu muhiimsan ee aan uga waramay wuxuu ahaa qadiyadda Somaliland iyo nabadda iyo dimuqraadiyadda ka jirta, Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay arrimaha xawaaladaha  la xidhay oo uu hawsheedda  ku jirro, waxaanan u cadeeyay in aanay lacagta ay jaaliyadda reer Somaliland ee Maraykanku u soo dirayaan dadkooda  gudaha jooga aanay ahayn  wax argagixiso loo dirayo, taasina aad ayaanu iskula fahamnay. Waxaanan siiyay Copy waraaqdii madaxweynaha jamahuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo u qoray  hay’adda lacagaha Maraykanka, waxaanan uga waramay  in madaxweynaha Somaliland uu hay’adda lacagaha Maraykanka u soo qoray waraaq uu kaga hadlayay sida aan looga maarmaynin oo umadda reer Somaliland lacagta dibadda looga soo dirro 40% ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Waxaan ku casuunay xildhibaanka haddii ay suurtogal u noqoto in uu Somaliland yimaado isagoo la filayo in uu dhawaan iman doono geeska Afrika,”ayuu yidhi madaxweyne Ku xigeenku.
Madaxweyne ku xigeenka oo  dalka ka amba-baxay  25 bishii hore ayaa socdaalkiisa lugtii koowaad waxa uu ka bilaabay magaaladda Washington ee dalka Maraykanka, halkaasi oo uu uga sii gudbay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.
 
Isagoo ka hadlayay u jeedadda socdaalkiisa iyo magaalooyinka uu soo maray  waxa uu yidhi “Muhiimadda aan u soo baxay waxay  ahayd in aan jaaliyadda  reer Somaliland eek u dhaqan Woqooyiga Maraykanka oo aanay inta badan madaxdeenu socdaalo ku gaadhin,  in aan u soo waramo, iyagana aan xaaladooda ka soo war hello.”
 
“Caawa (xalay) waxaan joogaa magaaladda    Ottawa oo ah magaaladda labaad ee ugu weyn dalkani, anigoo ku soo horeeyay magaaladda caasimadda u ah Canada ee Toronto, Maraykanka waxaan ka galay  magaaladda caasimadda u ah ee Washington oo aan saddex cisho joogay. Jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan  Washington  waan la hadlay, xaflad aad u weyn ayaanay noo sameeyeen, aadna waan ugu mahad naqayaa.
Waxaan uga sii gudbay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota  oo ah magaaladda ay jaaliyadda ugu badan ee Soomaalida ahi ku nool yihiin. dad badan oo  reer Somaliland ahina ay degan yihiin, iyagana halkaasi ayaanu isku xog-waraysanay,  waan ka gudbay, waxaanan isku maray laba magaallo oo iyadna jaaliyad Somaliland  aad u badan oo Somaliland ahi ay degan yihiin, kuwaasi oo kala ahaa magaaladda la yidhaahdo choch    Washington iyo Ohio clomps. Afartaasi magaallo oo muhiim ah dad badanina ay inaga joogaan ayaan isku maray oo aan jaaliyadaha ku nool la soo kulmay.
Canada waxaan ka soo galay magaaladda Toronto oo ah magaaladda ugu weyn dalkaasi, iyadna waxaan joogay saddex habeen, halkaasi oo aan jaaliyadda ku kulanay, wax badana aanu isku waydaarsanay. Ka dib waxaan u soo gudbay Ottawa oo aan imika joogo, taasi oo ah lugtii ugu danbaysay ee socdaalkayga”.
C/raxmaan saylici, waxa uu sheegay in dhamaanba dalalkaasi  uu soo maray dadka jaaliyadda ah ee degan ay ahaayeen dad si weyn ugu jeelanaa in ay arkaan madaxdooda.
Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayay jaaliyadda reer Somaliland meel ay joogtaba yihiin dad u haraadan in ay madaxdooda arkaan, si sharaf iyo karaamo, iyo qadarini ku dheehan tahay ayay noo soo dahweeyeen, aadna waan ugu mahad naqayaa, aniguna aad ayaan ugu faraxanahay, wax badana aan wada jirkooda iyo sidii ay dadkooda iyo dalkooda wax ugu qaban lahaayeena aan ku bogaadiyay. Si wanaagsan oo wadaniyadi ku dheehan tahay ayay ii soo dhaweeyeen”.
Dhinaca kale  madaxweyne ku xigeenka ayaa baaq ugu baaqay guud ahaanba  jaaliyadda Somaliland ee  ku nool dalalka dibadda in ay ku dedaalaan sidii ay dadkooda iyo dalkoodaba wax ugu qaban lahaayeen, isla markaana ay uga shaqayn lahaayeen wada-jirka iyo walaaltinimadda.
Ugu danbayntii  C/raxmaan Saylici, ayaa u soo jeediyay dadka reer Somaliland ee gudaha dalka jooga in ay  u midoobaan ilaalinta nabadgeliyadda dalkooda, kana dheeraadaan qabyaaladda iyo wax kasta oo umadda kala qaybinaya.
Madaxweyne ku xigeenka oo ku guddo jira  booqasho uu ku marayo  qaar ka mid ah wadamadda woqooyiga qaaradda America, waxaa safarkaasi   ku wehelinaya  wasiiru-dawlaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare iyo masuuliyiin kale.
Iyadoo madaxweyne ku xigeenka  iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay si  balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Ottawa ee caasimadda dalka Canada, waxaana soo dhaweyntaasi si weyn uga soo shaqeeyay wakiilka Somaliland ee dalka Canada iyo sidoo kale jaaliyadda ku dhaqan wadankaasi.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply