Hooyada Deins Meitshel oo 47 jir ah ayaa ku nool murugo iyo tiiraanyo joogto ah toddoba sano, ka dib markii wiil ay dhashay uu ku dhacay xanuun aan inta badan la arag. Xanuunkan ayaa kaga dhacay wejiga oo baabiiya quruxda isagoo ka dhiga nabaro dhiigaya. Sida uu daabacay wargeyska Daily mail wiilkan ayaa lagu sameeyay qaliin ah beerista wejiga cusub laakiin taasi aanay weli si fiican u suurtaglein. Deins Meitshel ayaa sheegtay inay farxaday mar kii ay dhakhaatiirtu u sheegeen inay wiilka ku samaynayaan camaliyad dhinaca wejiga isagoo wakhtigaasi ahaa 7 jir . Wiilkan oo lagu magacaabo Beile ayaa wejiga loogu xidhay waayiro caawiya dareenka wejiga , kaasi oo aad daciif u ah. Camaliyadaha lagu sameeyay oo ah 50 camaliyadood ayaan weli keenin guul dhamaystiran, waxayna ka dhigeen mid dareen samayn kara isla markaana ay dadku eegi karaan.