Isbahaysiga Saudi Arabia hor boodayso ayaa dhamaystiray ololihii duqaynta ee ay ku hayeen fallaagada Yaman, sidaasna waxa sheegay telefishanka dawladda Sucuudiga. Warka telefishanka ayaa sheegay in isbahaysigu ololihiisa duulaanka ahaa uu ka gaadhay ujeedadii milateri ee laga lahaa. coalition’s Decisive Storm campaign had achieved its military goals, the report said.
Waxa warku intaa ku daray in uu bilaabmayo hawlgal hor leh oo loogu yeedhay rajo soo celinta, kaasi oo diiradda lagu saarayo xal siyaasadeed oo laga gaadho arrinta Yaman iyo amniga iyo la dagaalanka argagixisada gudaha.
Isbahaysiga ayaa duqaynta soo waday mudo ku dhaw bil balse inta badan kuma guulaysan inuu hor istaago horusocodka Xuutiyinta.
Afhayeen u hadlay isbahaysiga Sacuudiga Brig-Gen Ahmed al-Asiri oo ugu warramay warbaahinta caasimada Riyadh salaasadii shalay ayaa sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii duqaynta ahaa sidaasna ay ka codsatay dawladda Yaman iyo madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.”