Kumanaan ka Cararay Cabsi laga Qabo Doorashooyinka Burundi

0
403

Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in ku dhawaad 12kun ay ka carareen Burundi in ka yar labo todobaad, iyadoo ay jirto cabsida rabshadaha doorashooyinka.
Qaxootiga ayaa soo wariyay cadaadis iyo in la waayay xubno ka tirsan qoysas lala xidhiidhinayo mucaaradka.
Badi waxay ka gudbeen xadka Rwanda, halka tiro yarna ay galeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay kuwa cararay in ay ka hadleen xoog ku askareyn ay sameynayaan kooxda dhalinyarada taageersan dowladda. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota.
 

Leave a Reply