Qosolku Wuxuu Qayb Ka Qaataa Caafimaadka Qofka

0
408

Khubaro dhinaca caafimaadka ah oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Loma Linda University ,kuna taala wadanka Maraykanka ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku sheegay in qolku qayb weyn ka qaato caafimaadka qofka ama dadka .
Waxaanay tijaabo ahaan u soo kexeeyeen koox u badnayd dad waaweyn,kuwaas oo ay u qaybiyeen laba qaybood,koox kamidana waxay siiyeen cenjeledo ila qosol ah oo ay daawadaan ,halka aanay waxba siin kuwa kale,waxaanay toddobaad ka dib kusoo noqdeen kooxahaasi oo ay cabireen waxay dareemeen intii ay maqnaayeen iyo waxa iska bedelay.
Natiijada kasoo baxday ayaa noqotay mid ay soo bandhigeen,waxaanay sheegeen in kooxdii ay siiyeen cenjeledaha ila qososha ahi ay noqdeen kuwo xusuustoodii dib u noqotay soona xusuustay waqtiyo hore iyo waxyaalo ay ilaaween,halka kuwii kalena ay ahaayeen kuwo aanay waxba iska bedelin.
Waxaanay sheegeen in hoos u dhaca xusuusta uu keenay iyada oo uu dheecaanka Cortisol noqday mid istaagey ,taasina ay keentay inuu dhaawacmo unuga qaabilsan xusuusta ee maskaxdu,waxay sidoo kalena sheegeen in qosolkuna caawiyo dheecaanada keena in qofku dareemo farxad iyo deganaan.
Khubaradan ayaa isku xidhiidhiyey caajiska iyo sidoo kalena xusuusta,iyaga oo sheegay inay labaduba keenaan hoos u dhac ku yimaada maskaxda ,sidoo kalena cimri deg deg iyo caafimaad xumo keena,gaar ahaana qofka oo noqda mid aan furfurnayn waxa uu halis u yahay ayay yidhaahdeen xanuuno dhiig karku kamid yahay.

Leave a Reply