Xaaladda Qeybta Dhimirka Ee Cisbitaalka Hargeysa Iyo Adeegyadda Loo Qabto Bukaanka

0
392

Hargeysa (Dawan)- Isu-duwaha Qaybta Dhimirka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Mustafe Xuseen Xirsi, ayaa sheegay in  cusbitaalka dhimirka caawimadiisa ay qurbo-joogu kaga fiican yihiin dadka gudaha dalka jooga, waxaannu ugu baaqay in ay ka qayb-qataan shacabka guduhu  daboolida baahida qaybta dhimirka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
 
Dr. Mustafe,    xafiiskiisa ugu waramay oo shalay Wargeyska Dawan,  waxa uu sheegay in cusbitaalka dhimirka Hargaysa lagu sameeyay horumar ballaadhan oo dhinacyo kala duwan leh, sida dhismaha, qaybaha dadka xanuunsanaya lagu daweeyo, lana keenay dhakhaatiir.
 
 
 
“Baahiyaha aasaasiga ah ee cisbitaalka ka jira,  waxa naga caawiya  cisbitaalka guud, qurba- joogta  NGO-yada madaxabanaan sida Gavo. Waxa aan   leeyahay waxa soo xusuusta Cusbitaalka Dhimirka oo u dhaama dadka dalka gudihiisa jooga kuwa dalka dibadiisa jooga, waxaanan  si gaar ah  ugu mahadnaqaya labada hablood ee Haboon iyo Nasteexo  oo aad iyo aad noola dadaala oo wax kasta oo cisbitaallka ka dhamaadda  noo keena, iyo dawlada hoose oo iyadu na siisa  bishii  shan iyo sodon neef oo Adhiya,” ayuu yidhi Dr. Mustafe Xuseen.
 
Dr. Mustafe  Xuseen Xirsi  waxa uu sheegay in horumaro ballaadhan oo dhinacyo kala duwan ah lagu sameeyey Qaybta Dhimirka ee Cusbitaalka Guud, isagoo ka hadlay sida shaqadu u socoto iyo maalmaha ay ummadda u shaqeeyaan, waxaannu yidhi; “Cisbitaalka  waxaa  lagu   sameeyay  horumar aad u ballaadhan, taasoo  ay keentay dedaal  farro  badan  oo  la  geliyay  cisbitaalka  iyo  shaqaalaha  cisbitaalka  ka  shaqeeya. Haddii  ay tababar   noqoto,  haddii ay is-xilqaan  la is-xilqaamayo   noqoto,  shaqaalaha iyo dhakhaatiirta cisbitaalkaba.  Cisbitaalku  dadka  reer Hargaysa  oo  qudha uma furna,  ee  waxaa  looga  yimaadaa  gobollada dalka oo dhan iyo dalalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya,  Jabuuti  iyo  Soomaaliya.
 
Labadda   maalmood ee Axada iyo Isniinta  midba shan  qof  ayaannu eegnaa,  labada  maalmood ee kale  waxa noogu jira laba qof oo dheeraad ah oo haddii  aanay ballansanayn  oo si kedis ah ay   noogu  yimaadaan iyagana aanu ku darno.  markaa lix iyo lix  ayay noqonaysaa in aannu eegno todobaadkiiba.
 
Maalinta  Salaasadda,  waxaa  la sameeyaa  kormeer lagu ogaanayo qofka in xannuunkiisu uu hoos u dhacay iyo inuu kor u kacay, iyo in dawadii uu qofkani qaadanayay uu  u qaato sidii loogu tallo galay, in  laga  joojiyo  bukaanka daawadda   iyo in laga saaro cisbitaalka.  Maalinta  Arbacadda,  waxaa soo noqda bukaannadii hore ee dibada nooga baxay iyaga oo soo noqda shan iyo tobankii maalmood hal mar amma bishiiba  laba jeer  si xaaladooda loo eego.   Waxaananu  is-la qaadanaa tallo ah bukaanka daawadii  miyaynu  ka joojinaa, mise waynu   u sii wadnaa” ayuu yidhi isu-duwaha qaybta dhimirka ee cusbitaalka guud ee Hargaysa.”
 
Dr. Mustafe Xuseen, waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan Bukaano iskood u yimaadda cusbitaalka, isla markaana soo doonto daawooyinka, iyadoo aanay cidna keenin. “Imika waxaa jira bukaanno badan oo iyagu iskood u yimaada oo dawooyinkooda soo doonta oo la qabsaday oo la walaaloobay xanuunkii dhimirka ee haleelay.     Cisbitaalku  waxa  uu  leeyahay  in qof walba uu hello  Gu’iisa,    Furaashkiisii iyo SariirtiisiI,  haddii ay  noqoto  Raga iyo haddii ay noqoto Dumarkaba.
 
Cisbitaalka  waxaa  jooga dhakhaatiir  khibrad iyo aqoon dheerad ah u leh daaweynta  dadka xanuunsanaya,   waxaana la siiyaa dadka  xanuunsanaya  Caano iyo Timir.  Caanahan iyo Timirtanina meel kale noogama yimaadaan ee  waxa noo keenta bulshada qeybaheeda kala gedisan, gaar ahaana Dumarka.  hase ahaatee  raga iyaga  wax  caawimo ah kama helno.   Haweenku  waa kuwa keliya  ee nala og kana warhaya dadkan xanuusanaya.”
“Dhanka  kale waxa meesha ka furan dugsi dadka aanu wax ku baro marka ay caafimaadaan  anaga oo barna  xisaabta iyo qorista Af-Soomaaliga,  Dawaarka iyo Laydhka,   hagaajinta  Moobilada oo maanta haddii telefoonka  aad sidataa kaa xumaado iyagaa kuu samaynaya,  oo kuu hagaajinaya,”ayuu yidhi Mr. Mustafe.
By: Khadar M.Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply