Dadweynaha Oo u Riyaaqay Suulinta Sicir-bararka Iyo Lacagaha Adag Ee Laga Xawilo Telefoonada Gacanta

0
463

Hargeysa (Dawan)- Dadweynaha Somaliland ayaa u riyaaqay in la joojiyo adeegyadda lacagaha la iskaga xawilo Telefoonka gacanta oo ay sheegeen inay   xudun u yihiin  sarrif bararkii dhawaan ku dhacay lacagta Dollar-ka isla markaana qiime tiray lacagtii shilinka Somaliland.
Dadweynuhu waxay  wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga dhexe ku bogaadiyeen inay  qaateen go’aan geesimo ah, ka dib markii ay go’aamiyeen in la joojiyo in lacagta dollar-ka lagu xawilo adeegyadda shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL. Taas bedalkeedana adeegyadda ZAAD iyo E-DAHAB ay  ku bedalaan shilinka Somaliland si qiimaha lacagta dalku uga soo kabato sida loo tabaaleeyay.
“Waxaan ku ammaanaynaa  Wasiirka cusub ee maaliyadda Iyo Guddoomiyaha  cusub ee Baanka inay qaateen go’aan  adag oo sharafta dawladda dib u soo celinaya, dadweynahana ka dul qaadi kara cidhiidhiga lagu geliyay maceeshada iyo qiime bararka ku dhacay doolarka,”ayuu yidhi Nuur Ismaaciil oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa.
“Waxaan ku diirsaday in shilinka Somaliland oo kaliya wax lagu kala iibsado Somaliland sida dalalka adduunkuba ay ku dhaqmaan. Haddii aynu lacagteena qiimaheeda aynu ilaalin wayno qaranimadeennu way laan-gadhaynaysaa, waxaan hambalyaynayaa  Wasiirka Maaliyadda iyo  Guddoomiyaha Baanka dhexe,”Ayuu ku dooday Sakariye Ibraahim oo ka mid ah dhalinyarrada aqoonta leh ee degan Hargeysa.
Hooyo Faadumo Axmed Xandulle oo ka mid ah haweenka ganacsiga yar-yar ee  ku haysta Hargeysa ayaa sheegtay in muddo dheer ay walaac ka qabtay adeega ZAAD. “Anigu waxaan  muddo dheer aad u dhibsan jiray waxan  dadkii shilin-ba inay jeebka ku qaataan u diideen ee ay ZAAD uun  ay wax ku iibsanayaan. Waxa lacagteenii bah-dishay adeegaasi, imikana waxa ku soo darsamay kan la yidhaahdo E-DAHAB. Labaduba haddii ay ku shaqaynayaan lacagta dalkeenna waannu soo dhawaynaynaa haddii kalena in nalaga joojiyo oo dawladu dhawaaqeedii fuliso ayaannu rabnaa,”ayay tidhi  Hooyo Faadumo Axmed.
Geesta kalena sida weriyeyaashayada Goboladda dalku ay ku soo waramayaan waxa go’aankii xukuumadda laga soo dhaweeyay magaalooyinka Berbera, Burco, Boorame, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Gabiley. Waxaanay dadweyne tiro badan oo weriyeyaashayadu la hadleen ay  sheegeen inay doonayaan in si buuxda loo joojiyo lacagta doolarka ah ee wax lagu kala iibsado  iyo in shilinka Somaliland lagu bedalo doolarka lagu isticmaalo  ZAAD iyo E-DAHAB.
Waxa kale oo shacbi-weynuhu ay xukuumadda ugu baaqeen inay tallaabooyin cad-cad ka qaadaan shirkadaha isgaadhsiinta haddii ay fulin waayaan go’aankaas danyartu soo dhaweysay.  Waxa kale oo jabay sarifka dollarka maalmihii u dambeeyay  iyadoo boqolka Doolar Jimcihii shalay lagu kala sarifanayay Gacanta hore  720.000 halka gacanta labaadna lagu kala bedalanayay 730.000/sl sh.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply