Khubarro Ruush ah Oo Isku Deyaya Samaynta Madax Ka Dadka Oo Kale Ah

0
400

Khubaro u dhalatay wadanka Ruushka ayaa bilaabay isku day ay doonayaan inay ku sameeyaan madax lamid ah ka dadka ama Bani’aadmiga,kaas oo ay sheegeen inay ku badbaadin doonaan dadka haddii lagu guulaysto samayntiisa.
Khubaradan oo uu hogaaminaayo nin u dhashay wadanka Talyaaniga ayaa sheegay inay wadaan isku daygii ugu dambeeyey ee ay ku doonayaan inay ku sameeyaan madaxaasi.
Ninkan ayaa sheegay inuu doonaayo inay noqdaan madaxyadaasi haddii ay guulaystaan kuwo marka hore lagu badbaadiyo nafaha  dadka reer Russia,iyada oo lagu baahin doono marka dambe caalamka,laguna wareejin doono hay’ada caafimaadka adduunka.
Ninkan oo lagu magcaabo Valeri Spiridonov oo ah khabiir dhinaca Computer oo ku sugan  magaalada Vladimir ,aan kana fogayn magaalada caasimada ah ee Moscow ayaa bilaabay shaqadan isaga oo kaashanaaya kooxo kale oo khubaro ah,kuwaas oo isku deyaaya inay ka caawiyaan samaynta madaxan.
Ninkan ayaa ka badbaadey xanuun lagu magcaabo Jenny Disease,kaas oo qoorta kaga dhacay,waxaanu noqday ninkii ugu horeeyey ee xusuustu usoo noqoto kadib xanuunkaasi.
Xanuunka ninkan ku dhacay ayaa inta badan dadka ku laaya dalkaasi Talyaaniga,waxaanu noqday xanuunkani mid dhif iyo naadir ku ah caalamka,sida looga soo kabtaana ay adag tahay.
Madaxan ayaa lagu xidhayaa qaybaha dareenka ee Jidhka,iyada oo ay jirto caqab ah in aanu dhiiga qofka qaadanayn,waana taas dhibta ugu badan ee ay khubaradani ka cabanayaan.
 
 

Leave a Reply