Muuse Biixi Oo Gef Hab Maamuuska la Xidhiidha Ku Qoonsaday Marti-qaad Uu Ka Helay Guddoomiye Cirro

0
438

Hargeysa (DAWAN)-Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa gaashaanka ku dhuftay warqad marti-qaad ahayd oo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu toddobaadkii hore u qoray asxsaabta qaranka oo uu ku casuumay inay goob joog ka ahaan fadhigii aqalka Wakiiladda ee Salaasadii la soo dhaafay oo Komishanka doorashooyinku hor-yimaadeen.
 
 
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu warqadii Guddoomiye Cirro ku tilmaamay mid uu ku jiro gef la xidhiidha hab maamuuska.
Waxa dibada u soo baxday labada qoraal oo ay  is-dhaafsadeen Guddoomiyaha Wakiiladda iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalku .
Ugu horreyn, Warqadda Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu ku kala socodsiiyey saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, waxay u qornayd sidan;
“Ku: Xisbiga KULMIYE
Ku: Xisbiga WADDANI
Ku: Xisbiga UCID
Ujeeddo: Martiqaad
Mudanayaal,
Waxa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si sharaf leh idiinku marti-qaadayaa Fadhiga Golaha Wakiillada, 21/04/2015, saacadda fadhigu bilaabmayo waa 9:00 Subaxnimo in aad ka soo qayb-gashaan oo ay imanayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku.
Waxaad ku iman kartaan min shan (5) xubnood oo ka tirsan hoggaanka xisbiga,” ayuu guddoomiye Cirro ku yidhi qoraalkiisa marti-qaadka ah.
Dhinaca kale, qoraal Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi kaga jawaabay martiqaadka loo fidiyey oo uu ku socodsiiyey Guddoomiye Cirro, isla markaana ogaysiin siiyey labada Guddoomiye-ku-xigeen ee Wakiillada iyo Guddiga Doorashooyinka, waxay iyaduna u dhignayd sidan;
Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Og: Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada
Og: Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada
Og: Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL
UJ: Jawaab-celin
Mudane Guddoomiye;
Warqada tixraaceedu yahay GW/G/34/68/2015, oo noo timid 20/04/2015 ujeedadeeduna tahay martiqaad, waxaannu u aragnaa inuu ku jiro gef hab maamuus.
 
Fadhiga Golaha Wakiillada ee aad ugu yeedhay Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo axsaabta siyaasadda ajandihiisa ma ogin. Mudane Guddoomiye, laba xil ayaad qaranka u haysaa; Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, haddaba, guddoomiyaha xisbiga WADDANI haddii uu na martiqaadayo waa in aannu ogaanaa ajandaha fadhiga iyo waxa laga wada hadlayo, sidoo kale marka uu na marti qaadayo Guddoomiyaha Wakiilladu waa inay isla og yihiin labada guddoomiye-ku-xigeen ee Golaha Wakiillada iyo xildhibaannada xisbiga KULMIYE.
 
Sidaa darteed, fadhi aanaan ogayn ajandihiisa iyo waxa lagaga wada hadlayo toona xisbi ahaan kama soo qayb-gali karno,” ayuu Muuse Biixi Cabdi ku yidhi qoraalkiisa jawaab celinta ahaa.
 
Fadhigga Golaha Wakiillada ee qabsoomay Salaasadii toddobaadkii hore  oo taariikhdu ahayd 21 April 2015, waxa horyimi Komishanka Doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo golaha ka hor sheegay inay diyaar u yihiin in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoomaan 1-da June 2016, taas oo ah muddo-kordhin sannad ah oo xilka loogu cusboonaysiiyey madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo sida qorshuhu ahaa doorashooyinkoodu dhici lahaayeen 26 June 2015, iyadoo labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID goob-joog ka ahaayeen fadhigaas, balse waxa kulankaas diiday xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Sida ku cad qoddobada 83aad iyo 42aad ee dastuurka Somaliland, Golaha Guurtida, ayaa awood dastuuri ah u leh inay muddo-kordhin sameeyaan haddii doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu ku qabsoomi waayaan waqtigooda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply