Qabuuraha Dalxiiska Ee Shekaago

0
793

Waqooyiga magaalada Shekiago ee dalka Maraykanka waxa ku yaal Qabriga Graceland Cemetery. Qabuurahan oo la sheegay in qarngii 19 aad ahaa, ayay taariikhda lagu qoray inay ku aasan yihiin dadkii halkaasi degena oo ahaa dad qiimo leh. Waxaana la sheegay inay ahaayeen dad aan dadka dhibi jirin. Waase aduunyo imisa boqor ayaa dhintay oo loo ooyay ka dibna ka tegay oo keliya qabri cidla ku yaal oo ay shimbiruhu hareerihiis hoy ka dhigtaan.
Taallo qabuurahaasi ka mid ah ayay ku sawiran tahay gabadh yar gabadhan oo la odhan jiray Anies Clark oo lix jir ahayd ayaa dhimatay sanadkii 1880. Waxayna dhimatay ka dib markii ay usoo baxday inay beertooda  ku dhex ciyaarto. Inkastoo maalintaasi jawigu  wanaagsnaa iyaduna ay ku ag ciyaaraysay waalidkeed  oo isaguna beerta ka shaqaynayay, haddana hawada ayaa si kedis ah isu bedeshay , dabayl ayaa kacday markaasi ayay samadu onkod iyo hilaac isku dartay wax yar ka dib gabadhii yarayd waxa ku dhacay danab markaasi ayay halkaasi ku dhimatay iyadoo waalidkeed arkayo. Sidaasi ayay dadka deegaanku ugu sameeyeen taalada gabadhai yar si loogu xusuusto. Taaladan qubuurha ku dhex taala ayaa loo dalxiis tagaa.
 
 

Leave a Reply