Qaliin Maskaxda Oo Mucjiso Noqday

0
451

Waxay ku daaleen dhakhaatiirta Maraykanka xaaladda caafimaad ee gabadh muddo ay haysatay dhibaato dhinaca akhriska iyo hadalka ah. Inkasta oo ay arintaasi jirtay haddana way wadeen dhakhaatiirtu inay ka gaadhaan arinkaasi xal.
Dhakhaatiirta Los Angles ayaa goostay inay ku sameeyaan qaliin maskaxda ah ka dib markii ay ka shakiyeen inay buro kaga taallo maskaxda.  Sida uu daabacay warbaahintu  Miss.Mary Lamin Carram oo 26 jir ah. Haddaba dhakhaatiirta ayaa ugu danbaystii go’aansaday inay qaliin ku sameeyaan dhinaca maskaxda ah, markii ay ka shakiyeen inay buro weyn ku taallo maskaxadeeda.
Dhakhaatiirta ayaa markii ay qaliinkaasi sameeyeen la kulmay arrin aanay hore u arag iyagoo buurada ay ka soo gooyeen aya ahayd sida qofka oo kale waxayna sheegeen inuu lahaa afkii, ilkihii, timihii iyo lafihii. Waxaana loo bixiyay buurooyinkan noocan ah Teratoma.
Gabadhan oo hadalkii u furmay lana hadashay  Telfishinka NBC ayaa tidhi  Mataanka shaydaanka ah ee maskaxda igaga dhegay ayaa i dhibay 26 sanadood.  ( Kulyoum   24/02/2015).

Leave a Reply