Shaqaalaha Dhismaha Wadooyinka Wadanka Chine Oo Helay Beedka Xayawaanka Dinasoorta Oo Jirtay 90 million Oo Sanno

0
527

Qaar kamid ah shaqaalaha wadooyinka dalkaasi Shiinaha ayaa helay beedad kuwa xayawaanka Dinasoorka ah,kuwaas oo jiray  muddo lagu qiyaasay 90 million oo sanno.
Hewan oo ah magaalo ku taala dalkaasi Chine,gaar ahaana gobolka Guangdong ,laguna sheego inay ahayd guriga Diinasoorka ayaa ah meel inta badan ay khubarada Sayniska ee dalkaasi ka helaan beedka Diinasoorka,waxaanay sidan oo kale uga heleen khubaradaasi  19 April ee sannadkii hore,iyada oo isla bishana shaqaalaha dhismaha ee wadooyinka dalkaasi ka heleen halkaasi 43 beed oo kuwa diina soorta ah.
Hewan magaaladan la yidhaahdo ayaa ku taala Koonfurta wadanka Chine,waxaanay gashay buuga loo yaqaano Guinness record-ka  sannadkii 2004,iyada oo noqotay meel lagu kaydiyo beedadka xayawaanka Dinasour-ka oo aan waqtigan caalamka laga helin.
Masxaf halkaasi ku yaala oo lagu ururiyo beedadkaasi ayaa ah mid caalamka caan ka noqday,waxaana arrimahan ka hadlay maamulaha masxafkaasi,waxaanu sheegay markii ugu horeysay ee magaalada dhexdeeda laga helay beedadkan,waxaanu sheegay in magaalada hareereheeda hore looga helay 19 midh oo beedadkaasi kamid ah,kuwaas oo dherer koodu noqonaayo in ka badan 12 centimeters.
Magaaladan ayaa hore looga helay 17 kun oo beed,waxaanay noqotay magaaladii ugu horeysay ee Chine laga helo beedkan sannadkii 1996 kii,kuwaas oo ay heleen caruur ku ciyaaraysay mid kamid ah dhismayaasha qadiimiga ah ee magaaladaasi.
 

Leave a Reply