Wadanka Japan Oo Tareenka Caalamka Ugu Dheereeya Mar Kale Soo Saaray

0
482

Wadanka Japan ayaa mar kale soo saaray tareenka caalamka ugu dheereeya oo noqon doona noocii ugu dambeeyey ee lasoo saaro,waxaana lagu magcaabaa Tareenkaasi  Maglev,kaas oo xawaare aad u sareeya jaraaya saacadiiba.
Tareenkii hore ee wadankaasi soo saaray ayaa ahaa mid saacadii jaraayey xawaare ahaan 603km/h,halka kan cusubina jari doono saacadii in ka yar 590km/h,waxaanu kusoo mari karaa magaalooyin badan oo wadamada caalamka ah in ka yar toddobaad,waxaanu jebiyey record-kii hore u yaaley oo tareenada wadankaasi ay dhigeen sannadkii 2003.
Waxay ahayd caqabada ugu weyn ee haysatay hay’ada wadooyinka iyo socdaalka wadanka Japan ,jidhka isku xidha magaalooyinka Tokyo iyo Nagoya oo ay dadka ku qaadan jirtay waqti dheer inay usii kala socdaan,sidoo kalena jidkeedu khatar badnaa,waxaanay tareenkan cusubi halkaasi ku mari doonaa ,iddp 40 minutes ah ,iyada oo inta u dhaxaysaana labada magaalo masaafo ahaan ay noqonayso 286km.
Wargeyska lagu magcaabo Japan Times Newspaper ayaa laga soo xigtay in sannadka 2045 ka la rajaynaayo in inta u dhaxaysa magaalooyinka Tokyo iyo Osaka uu u kala baxo tareenka ugu dheereya caalamka oo soo bixi doona kana dambayn doona kan,kaas oo jari doona inta u dhaxaysa labadaasi magaalo muddo saacad iyo toddoba minutes ah.
Waxaana meel la dhigay lacagta ku bixi doonta dhismaha wado cusub oo magaalooyinkaasi isku xidhaysa,taas oo noqonaysa lacag ahaan 100 billion  oo lacagta Maraykanka ah,taas oo uu si fudud ku maraayo tareenku minutes yar wadadaasi 80%.
Wadanka Japan ayaa doonaaya inay caalamka ka iibiyaan tareenkan cusub oo lagu magcaabo Magnetic  Train,kaas oo hab sida birlabta ah u shaqaynaaya iyo noocoodii hore oo isna lagu magcaabo Shinkansen ,waxaanay doonayaan inay dhaqaalaha wadankaasi uga faa’ideeyaan qaabkan cusub ee ah iibka tareenada.
Ra’isal wasaaraha wadankaasi Japan  Shinzo Abe ayaa u balan qaaday wadanka Maraykanka inuu samayn doono wado cusub oo isku xidhi doonta magaalooyinka New York iyo Washington,xili uu dhowaan booqday dalkaasi Maraykanka.
 
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply