“26-ka June Haddii Ay Gaadho Wax Dumayaa Ma Jiraan, Madaxweyne Siilaanyo-na Ma aha Nin Kursiga Ku Dhegaya”

0
367

Hargeysa (Dawan):-Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa xisbiyadda mucaaridka ah  ugu baaqay inay ummadda u soo bandhigaan barnaamij siyaasadeed oo ay dadweynaha ku kasbadaan. Maayarka waxa uu sheegay in aanay wax dhibaato ahi dalka ka dhacaynin haddii ay doorashooyinku dalka ka qabsoomi waayaan 26-ka June ee fooda Innagu soo haysa.
 
 
Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) waxa uu sidaasi ka sheegay kulan  balaadhan oo isaga iyo weftigiisii ay la yeesheen Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Swedan.
 
Maayarku   waxa uu  ugu baaqay jaaliyadda in wixii   awoodooda ah  ay ka qayb qaataan horumarinta adeegyada bulshadda ee dalkooda hooyo, isla markaana  looga baahan yahay in ay hormood  u noqdaan sidii loo midayn lahaa bulshadda, waxaanu yidhi  “Reer Somaliland guddo iyo dibadba waxa u taalla inay midnimo sameeyaan, idinkuna inaad midnimadaa hormood ka ahaataan, waayo waxaad aragteen dhaqan ah dad wax qabsaday oo wax dhistay, muu tahriibin Ninka reer Sweden ee wuxuu dhistay Dalkiisii, waxaanu ka soo baxay halka ugu hoosaysa ilaa halka ugu saraysa.   Waxa wax lagu dhistay cidii dalkan (Sweden) lahayd ayuun baa dhisatay, idinka oo dhaqankiinii eegaya Wadan waliba wuxuu leeyahay marka dhaqaalihiisa la xisaabinayo waxa la yidhaahdo xooga u shaqo tegay ama inta aqoon u doonatay.  Idinkuna  cidda  u shaqo tagtay ayaad ahaydeen,  oo inaad aqoon iyo adduunba ku soo kordhisaan waa la idinka fadhiyaa,”ayuu yidhi Maayar Caasimaddu.
 
 
Sidoo kale Maayarka Hargeysa ayaa  nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah dadka jaaliyadda ah ee nool dalka Sweden aanay dalkooda iyo lafahooda midnaba waxba ku soo kordhinin, isla markaana iyagoo dhaqaale badan lagu soo bixiyay haddana aanay waxba ka qaban oo ay suuqyadda iska dhex joogaan. “Shaqo la’aanta marka laga hadlayo hantidii ummaddu halkay ku baxdaa? , hantidii Ummaddu waxay ku baxday  Inamo badan iyo hablo badan oo maanta taagan meelaha ay ka mid yihiin xaafadaha Stockholm qaar ka mid ah, qaar ka mid ah Jarmalka iyo Wadamo kale oo badan oo Baloodh kasta iyo dhaqaale kasta oo la ururiyo waxa lagaga soo bixiyaa Inan ama Gabadh ka soo dhuumatay Berbera ama Burco oo la yidhi waa la haystaa oo Hooyadood ay ku dul ooyayso qof kasta oo Xaafadooda ka mid ah.”
Maayarka Caasimaddu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in dad lacag adag ku soo tahriibay ay iska dhex joogaan magaalooyinka Yurub, waxaannu yidhi “Nasiib darada dhacday Labadii maalmood niyad xumaan kala kulmay markaan tagay xaafado ka mid ah Magaaladan, waayo Hablihii iyo Inamadii waxaas oo dhaqaale ah lagu soo bixiyay oo Wadooyinka taagan oo aan aqoon doonan, oo aan shaqo tegin waa nasiib-darro ku dhacday dalkeenna.”
 
Md. Cabdiraxmaan Soltelco, waxa uu guubaabyay jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan dalka dibadiisa, waxaannu yidhi “Annaga wax qabad badan baa nalooga baahan yahay, idinkana waxa la idinka baahan yahay wixii wax lagu qaban lahaa iyo taakulaadeedii inaad gacan ka geysataan, in badan oo shaqaysanaysa oo wax baratay wey jirtaa, intaa waxaan leeyahay Wadankii bishiiba saacad ka mid ah Wadankii u jara, ama saacadaa waxaad isku daydaa inaad cid wax u weydiiso wax wax lagaga qabo, hadday tahay Cagaf iyo hadday tahay Gaadiid haddii kale oo aanad haleelayn oo aanad bixin karayna saacad aad shaqaysan uun ama Waddooyinka  ta aad  adigu jeclaato uun saacad ka mid ah wixii aad shaqaysatay maalin dalkaaga ku caawi, saacadaas oo la isku geeyo ayaa wax noqonaya,  Dedaalku wuu badan yahay, laakiinse Ummaddi markay dunto ee ay dib u soo kabanayso waxay noqotadaa Ummad is wada gaadhay oo wax isku sheega’iyo  oo aan dhakhso wax u kala qaadan.”
 
Dhinaca kale Maayarka Hargeysa  waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo halgan adag u soo galay qaranimada Somaliland, waxaanu tilmaamay in mucaaridku ay soo bandhigaan barnaamij  siyaasadeed oo ay bulshada ku kasbadaan. “Xisbinimada wax ka weyn qaranimada Golaha deegaanka ee aan maamula saddexda Xisbiba wuu ka kooban yahay, waxaanan had iyo jeer ku wada shaqaynaa inaanu midnimada iyo danta qaranka ka wada shaqayno isna toosino.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo sida qof kastaaba garanayo maaha Nin kursiga ku dhegaya, waa Ninkii la yidhi 82 cod baa lagaaga helay ee ka tagay ee 8 sanno sugayay, siyaasaduna waxay ku wanaagsan tahay Xukuumaddu inay wax qabadkeeda soo bandhigto Xisbiyaduna ay barnaamijkooda siyaasadeed soo bandhigaan, laakiin in la is caayo ma wanaagsana iyo in la yidhaahdo 26 June hadday gaadho dalku wuu dumayaa wax dumayaa ma jiraan ee intii Ilaalinaysay  wey joogtaa,” ayuu yidhi maayarka Hargaysa.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply