“Dakhligu Ismuu Dhimin, Wasaarradahana Waxaannu ka Jarnay Kharashaad Aan Muhiim Ahayn” Wasiirka Maaliyadda

0
373

Hargaysa (Dawan):-   Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay  in dakhliga dawladu uu kor u kacay, isla markaana lacago loo isticmaali jiray meello aan loo baahnayn in ay ka joojisay wasaaradaha  iyo hay’adaha  dawladda.
 
 
“iyadoo imika lagu jirro wakhtigii uu dakhligu hoosayn lahaa, haddana imika kor ayuu u kacay, oo  lacag intaa leeg oo dollar ah suuqa maanaan soo gelin karneen haddii aanu dakhligu kor u kicin. Waxaa kale oo aanu haynaa mushaharka  shaqaalaha ee afar bilood. Markaa dakhli hoos u dhacay ma jirro. Lacago loo isticmaali jiray meelo aan loo baahnayn, waanu xakamaynay. Markaa meelahaasi way odhanayaan dakhligi wuu yaraaday, laakiin waa wax muuqda sida uu dakhligu u kordhay, waana la arki karaa,” ayay tidhi Wasiirka Maaliyadda oo u waramaysay Laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
 
Wasiirku waxay ku dooday  in lacagta kharashaadka ah ee ay ka jartay wasaaradaha dawladda qaarkood  ay kala tashatay  masuuliyiinta hay’adahaasi, isla markaana aanay lacagahaasi dhamaanba ka wada jarin, hase yeeshee laga dhimay intii markii hore loo qorsheeyay.Waxaanay   tidhi “Wax aad ah kamaan jarin, laakiin waan la tashanay, waayo wasaaraduhu iyaguba way garanayaan marka miisaaniaydda la samaynayo, miisaaniyaduna waa odoros, mid waliba waxay is odhanaysaa wax iskaga darso, mid walibana way og tahay waxa mudnaanta  u ah, dadkuna waa dad wadanka wada danaynaya oo ka wada shaqaynaya. Markaa wasaaradaha waanu ka wada tashanay oo waxyaabaha aan aadka loogu baahnayn ee aan daruuriyaadka ahayn  ee miisaaniyadda ku jira meelaha qaar waa la yareeyay,  laakiin dakhligu meel fiican oo aad u wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanu rejo waynahay in aanay waxba iska dhimi doonin dakhliga dawladda sidii qorshuhu  ahaa ayuu noqonayaa.”
 
 
 
 
 
 
Dhinaca kale  Wasiir Samsam, waxay sheegtay in qoxoontiga ka soo qaxay dagaaladda dalka Yemen ka socdaa in ay saamayn dhinaca dhaqaalaha ah ku yeelanayso Somaliland, xukuumad ahaana ay u diyaar garoobeen sidii looga  gaashaaman lahaa wixii dhibaatooyin ah ee ay la imanayaan qoxoontigu.  “Dabcan saamayn ayay inagu yeelanaysaa dadka ka soo qaxaya Yemen.  Markaa waa in aan ka sii gaashaamanaa in aanay waxba ina yeelaynin”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply