Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga La Tukaday Salaadii Roob Doonta ahaa Ee Dalka Laga Oogay

0
347

Hargeysa (Dawan):-Guud ahaanba Goboladda iyo degmooyinka Somaliland ayaa shalay laga oogay salaad Roob-doon ah oo ay dadweynuhu  Eebe kaga baryayeen in uu raxmaadkiisa u shubo, maadaama oo meelo badan oo dalka ah ay ka jiraan abaarro  iyo biyo la’aan.
Masuuliyiinta dawladda iyo madaxda goboladda iyo degmooyinka  ayaa qaybaha kala duwan ee bulshadda kala qayb qaatay tukashadda salaadda Roob-doonta ahayd,iyadoo lagu tukaday meelaha fagaareyaasha ah iyo masaajidadda waaweyn qaarkood.
Madaxweynaha Somaliland  Md.   Axmed  Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ayaa  shacabka ku dhaqan Caasimada  ku la tukaday salaad Roob-doon ah   Masjidka  Tabliiqiyiinta ee ku yaalla magaaladda Hargeysa. Kadib tukashadii salaadda Roob-doonta ayaamadaxweynuhu   waxa uu  ugu  duceeyay bulshadda  in quluubta  isku soo jeediyo, isagoo  ALLEna ka baryay  in uu Roob khayr qaba u shubo bulshadda abaaruhu hayaan.
 
 
“ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu ducadaa maanta (shalay) inoo aqbalo, ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu Roob khayr qaba inoo shubo.  ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu maslaxaddeena iyo wanaaggeena ina waafajiyo, ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu quluubta Umaddeena isu soo jeediyo, ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu khayrka ina mariyo, ILAAHAY  waxaan ka baryaynaa Caafimaad, nabad qab, wadajir iyo midnimo in uu  ina siiyo.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.
 
Sidoo  kale Wasiirka Diinta iyo awqaafta  Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo madaxweynaha kadib halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay in xiliga Roobabku  ay yaraadaan  inay waajib tahay in Illaahay  la baryo.
Waxaanu  yidhi “Waxaynu u balansanayn inagoo ILAAHAY (SWT)  wejigiisa doonayna, madaxdeena adeecayna, sunuhii Nabiga (NNKH) waafaqsan oo raacayna dadkeena dhibaataysan ee ay abaartu hayso ee biyaha iyo baadku ku yaraaday, iyada oo madaxdu tixgelinayso waxa uu Madaxweynuhu ina faray oo amar ah waajibna inagu noqotay in aynu salaadan roob doonta ah iskugu soo baxno”.
“Dareenka aynu cabiraynaa waa dareenka Ummaddeena, dareenka reer miyiga, dareenka masaakiinta, dareenka caruurta, dareenka haweenka, dareenka Xoolaha iyo muush iyo maashiyada aan af iyo hadal toona aan garanayn ee dhamaantood macsida bini’aadamka iyo dhibta ay geysanayaan bini’aadamku ee ILAAHAY (SWT)  ku ciqaabayo, walaalayaal waxa sune ah sidan oo kale marka Roobku raago ama uu kala go’o ama abaari baahsani jirto.
Meelaha qaarkood ha kaba da’ee in ILAAHAY (SWT) gacmaha la hoos dhigto oo salaadan oo kale la tukado” ayuu yidhi wasiirka diinta.
Dhinaca kale sida ay ku soo wararamayaan weriyeyaasha goboladda kale ee dalka nooga soo warama salaadda Roob-doonta ayaa laga wada tukaday dalka oo dhan, iyadoo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay kala qayb qaateen shacabka tukashadda salaadda Roob-doonta ah.
 
Tukashadan salaadda Roob-doonta ahayd ayaa ka danbaysay baaq uu dhawaan madaxweynaha Somaliland soo jeediyay oo ahaa in maalinta Axadda oo ku beegnayd shalay dalka oo dhan in laga tukado salad Roob-doon ah.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply