Waxgaradka Buuhoodle Iyo Qurilugud Oo Soo Saaray Qodobbo La Xidhiidha Nabadeynta Labada Deegaan

0
357

Burco, (Dawan)- Odayaal iyo wax-garad ka kala socda deegaannada Qorilugud iyo Buuhoodle ayaa shir uga furmay deegaanka Aadan-waal oo ka tirsan gobolka Togdheer.
 
Shirkan oo ujeedadiisu tahay sidii nabad looga dhex-dhalin lahaa beelo dhawaan xurgufi ku dhexmartay jiidaha u dhexeeya deegaannadaas, ayaa waxa laga soo saaray shirkaas qodobbo ay ku heshiiyeen labada dhinac.
 
Wufuudan ka kala socotay labada dhinac oo shalay shirkaas isugu yimi ayaa waxa kala hogaaminayay salaadiin iyo cuqaasha labada deegaan ah. Sidoo kale waxa wehelinaya Culimo-awdiin kasoo jeeda labada beelood., waxaana shirkaas lagaga wada-hadlay sidii labada beelood ee ood-wadaagta ah loo dhex-dhigi lahaa nabad waarta, isla markaana aanay dib u dhici shaqaaqooyinka soo noqnoqday.
 
Weftiga dhinaca Buuhoodle ka soo ambabaxay ayaa waxa hogaaminaya Garaad Cabdirisaaq Garaad Sooofe, Suldaan Siciid Cismaan iyo Garaad Saleebaan Buraale, halka inta badan Cuqaasha Buuhoodle ay wehelinayaan.
 
Dhinaca Bariga Burco ayaa waxa iyaguna ka socda, Isimo, Cuqaal, iyo Waxgarad kale waxaana  hogaaminayey Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Maxamuud Guuleed, Suldaan Maxamed X. Xuseen waxaanu kulankani si toos ah uga bilaabmay deegaanka Aadan-waal oo u dhexeeya Buuhoodle, Qoru-lugud, Xadhadhan iyo Coodanle, wada-hadallada labada dhinac ayay wariyeyaasha ku sugan goobta wargayska DAWAN u sheegeen in wada-hadalladani muddo saacado ah socdeen ka dibna, war-saxaafadeed si wada jir ah labada dhinaca ku faahfaahinayaan wixii lagaga wada-hadlay ay uga soo saareen.
 
Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyey ee labada dhinac dhexmara  tan iyo markii dagaaladu ka dhaceen Deegaannada, Maskax-Buqle iyo Kalshaale dabayaqaadii bishii March ee ina dhaaftay, waxaana la rajaynayaa in nabad waarta ay ka dhalato kulankan, iyadoo xukuumadda Somaliland hore ugu igmatay salaadiinta labada dhinac oo muddaba ku hawlanaa dhexdhexaadinta beelahaa ood-wadaagta ah. Sidoo kalena la walaaleeyo iyadoo laga dhex saarayo arrimaha siyaasafda sida ay madaxda dhaqanku codsadeen.
 
Waxa goobta wada-hadalka ku sugan guddoomiyaha gobolka Buuhoodle iyo maayarrada degmooyinka Buuhodle iyo Qori-lugud, iyagoo dhamaantood cadeeyey in shirkan wada-hadalka nabaddeed qabsoomay furitaankiisiina lagu guulaystay,qodobbo wax ku ool ahina ka soo baxeen.
 
Kulankaa ayaa xubnaha labada dhinac iyo marti sharafka kale ee ka qayb qaadanayay tiradoodu lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 150 ergay.
 
Waxaana gebagebadii shirka qodobadii ka soo baxay oo dhamaystiran warbaahinta u akhriyay Sheekh Cumar Soodaani waxaanu yidhi. “Shirkan oo qabsoomidiisa muddo lagu hawlanaa wuxuu saaka (doraad) oo ay bisha April tahay 25 ka qabsoomay deegaanka Aadan-waal,waxaana shirka oo socday una dhexeeyey beesha Habrjeclo iyo beesha Dhulbahante ee degan Buuhoodle ay isla qaateen qodobbadan:-
 
1- Nabadgelyo.
 
2- Xabad joojin.
 
3- In la qabto shirweyne dambe oo loo muddeeyey 21 cisho ka dib.
 
4-  Waxaa shirkaa dambe marti-gelinaysa walaalahayaga Degmadda Qori-lugud, iyagoo soo gudbin doona goobta la isugu imanayo.
 
5-  Waxa dhinac walba laga dhaariyey 11 oday oo isku noqonaya 22 xubnood, taasoo ku salaysan in daacad ay ka yiniin qodobbadan la isla qaatay.
 
6-  In labada dhinac ay soo jeediyaan baaq nabadeed oo fariin u ah cidkasta oo ay khusayso.
 
7-  In dhinac looga soo wada jeesto beesha, qoyska, jifada jebisa heshiiskan ay labada dhinac isla qaateen ka bilaabmaya Sabtidii la soo dhaafay.”
 
Ka dib waxa halkaas  ka hadlay Suldaan Maxamed X. Xuseen, “Waxaan qirayaa maanta (Doraad) in kulankani yahay mid ka bislaaday labada dhinac raalina laga wada yahay, maantana waxay innoo tahay maalin weyn oo aynu dhidibbada u aasnay nabaddii xaal-xaalkiina uu hadhay.”
 
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo isaguna shirkaas ka hadlay ayaa yidhi. “Waxaanu ku suganahay deegaanka Aadan-waal annagoo ah beesha Qorilugud iyo beesha Buuhoodle, waxaanan  isugu nimi shaqaaqooyinkii muddada soo jiitamayey waxaanu isku afgaranay Qoddobo, waxaanu ku heshiinay in ciidamada la kala qaado nin welibana gurigiisii tago, in ciddii dhib dambe la timaadaa ay isaga iyo qoyskiisa ku ekaan doonto dhanna looga soo wada jeedsan doono. ummadani waa dad walaalo ah oo wax walba wadaaga, wixii hore wax ka dambeeyaana inaanay dhicin ayaanu idiin sheegaynaa, oo aanu idiinku nahay hogaamiye wixii hadhayna anagaa ballan-qaadnay inaanu dhamaystirno haddii xabad la isla garab yaaci jiray oo la isu hiilin jiray nabad baanu idiinku bedelaynaa oo aanu go’aansanay maanta.”
 
Ugu dambayntiina waxaa goobtaa lagu dhaariyey 22 xubnood oo odayaal ah oo labada dhinaca ah, waana markii u horeysay ee kulan labada dhinac ahi ay isu yimaadaan shir miisaankan oo kale leh.
By: Faysal Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply