Dalka Togo oo Doorasho Ka Billaabantay

0
385

Madaxweynaha hadda talada haya Faure Gnassingbe ayaa u baratamaya  xilka madaxweynenimo si loo soo doorto markii saddexaad, taasoo haddii ay dhacdo ka dhigeysa in xukunka dalkaasi uu qoyska uu ka soo jeedo uu maamulo ku dhawaad nus qarni.
Madaxweyne Faure ayaa talada dalkaasi la wareegay kaddib markii uu geeriyooday aabihiis Yasinbe Eyadema  sanadkii 2005-tii, kaasoo  dalkaasi soo maamulay 38 sano kaddib markii uu dalkaasi xornimada ka qaatay  guumeystihii Faransiiska ee dalkaasi gacanta ku hayay.
Hoggaamiyaha mucaaradka Jean-Pierre Fabre ayaa sidoo kale  u bartamaya xilka madaxweynenimada dalka Togo, kaasoo sidoo kale ka soo tartamay  doorashadii hore ee dalkaasi ka dhacday ayaa la filayaa in uu galo kaalinta labaad .
Waxaa horay isu diiwaangeliyey 3.5 milyan oo qof oo ka dhigan nus dadka ku nool dalka Togo, walow aan la hubin inta dhiiban doonto codadkooda si ay madaxweyne ku doortaan.
 

Leave a Reply