Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Wasiirka Cusub Ee Warshadaha Iyo Wasiir Ku xigeenka Kalluumaysiga

0
474

Hargeysa (Dawan) –  Golaha  Wakiilada Somaliland, ayaa  ansixiyay Wasiirka cusub ee Warshadaha Mudane Shucayb Maxamed Muuse  iyo Wasiir ku-xigeenka cusub ee  wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badaha Md. Maxamed Xaaji Aadan  oo dhawaan madaxweynaha Somaliland u gartay in ay xilalkaas qaranka u qabtaan.
 
Fadhigaas oo uu gudoominayay Ku simaha Gudoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa ka soo xaadiray 46 Xildhibaan,
 
 
 
 
Wasiirka cusub ee warshadaha Md. Shacayb Maxamed Muuse, oo ansixintiisa ka hor ka hadlay fadhigii Golaha ayaa soo qaaday qorshaha uu doonayo inuu ku hawl-galo haddii xilkaasi loo ansixiyo, waxaannu yidhi  “Waxaanu balan qaadaynaa haddii ALLE  yidhaa in aanu wasaaradda wershadaha muruqayaga iyo maskaxdayadaba galino,oo aannu ka dhigno meel la ma jeerto dalka oo dhan laga quudiyo. Maanta noloshu waxay ku xidhan tahay waxa ay wershaduhu soo saaraan, ummadi waxay ku horumartaa hadba sida ay u horumariyaan wershadaha iyo wax soo saarka dalkooda.”
 
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay duruufaha dalkeenna ee dhinaca wershadaha, isagoo arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Iyadoo ay jiraan duruufo dalkeenna ku gadaaman, kuwaas oo aanu ka dhaxalay bur-burkii iyo dagaaladii wadankeenna ka dhacay. Dagaalada dhaqaale la’aanta iyo aqoonsi la’aanta ayaa waxa uu wadankeennii ka dhigay inuu xaga wershadaha ku hooseeyo.”
 
Md. Shacayb waxa uu xildhibaanada golaha wakiilada ka codsaday in ay xilkaas u ansixiyaan, maadaama oo uu yahay Wasiir dhalinyarro ah oo wax badan ku soo kordhin kara hawlaha shaqo ee wasaaradaas. Fadhigaas waxa codka loogu qaadayay labada masuul waxa ka soo xaadiray 46  xildhibaan oo ka mida 82-ka uu ka kooban yahay golaha wakiiladu.  Wasiirka cusub ee warshadaha Shacayb Maxamed Muuse, waxa  ogolaaday 44 xildhibaan, cid diiday may jirin, waxa ka aamusay 1 Mudane, Gudoomiyuhuna muu codayn.
 
 
Sidoo kale fadhigaas waxay golaha wakiiladu cod u qaadeen Wasiirku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Maxamed Xaaji Aadan. In xilkaas loo ansixiyo masuulkan uu waxa ogolaaday 45, xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.
 
Md. Shacayb Maxamed Muuse ayaa waxa ka mid noqonayaa Wasiirrada ugu da’ada yar  ee xilka Wasiirnimo qabtay intii ay Somaliland jirtay, iyadoo ay jiraan masuuliyiin tiro badan oo oo dhalinyarro ahi  xil ka hayso xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply