‘Ilamaha Yari Weligii Ma Khajilayo, Mana Baqanayo’

0
392

Dhalashada ilmaha yar ayay u sameeyaan  munaasabado kala duwan dadka ku nool caalamka maxa yeelay waxa ku soo  qoyska qof cusub. Haddaba Dalal ku yaal qaaradda badhtamaha iyo galbeedka qaaradda Africa ayaa u sameeya munsaabado yaab leh maalinta sadexaad ee dhalashadiisa.
Qaraabada ilmaha dhashay ayaa maalnikaasi isugu yimaadda cariish ama buul aya dhiseen waxayna soo qaadaan caleemaha geedo ay u haystaan inay yihiin kuwo waxtar u leh. Caleemaha geedahaasi ayay ku shidaan badhtamaha cariishka buulka ah.
Ilmaha yar ayay dhawr jeer ku dul uumiyaan qiiqaasi, waxaana uu afka, indhaha  iyo sankaba ka keenaa qiiq. Qowmiyadahan ayaa aaminsan inay arintani ilmaha yar u leedahay waxtar ah in aanu weligii baqan isla maraakana khajilin.
 

Leave a Reply