Ninka Ugu Uskaga Badan Dunida

0
438

Waxa la aaminsan yahay inuu yahay ninka dunida ugu uskaga badan oday lagu magacaabo Xaaji oo da’diisu tahay 80 jir una dhashay dalka Iran.  Odaygan ayaa aaminsan in biyuhu ay ku keenayan xanuun marka ayaa taabtaan,  sidaas darteed muddo 60 sano ayaanu biyo jidhkiisa taabsiin oo maydhan.
 
Wuxu ku nool yahay guri cidla oo uu keligii galo ,kaasi oo ku yaal tuulada Dajkah. Wuu neceb yahay oo karaahiyaysanayaa haddii biyo loo soo dhoweeyo qabow iyo kulaylba, isagoo aad u cadhoonaya.
Korkiisu waxa ka dhalaalaya uskaga is dul fuulay. Waxaad  u malaynaysaa marka uu fadhiyo inuu yahay dhagax taalo ah ama sanamba.
 
Waxa kale oo Odaygu ka cabanayaa cuntada qasacadaysan oo uu iyadana karaahiyaysto.  Waxaana uu ka jecel yahay  hiilibka aan nadiifta ahayn iyo inuu saliida  ku cabo quraaradaha naaftada  ee daxalaystay.
Waxa uu qiijiya beebkiisa, Maaha buuri wuxu ku shitaa oo isticmaala saalada xoolaha. Taasi ayaa u ah tubaakada aanu waayin.  Malaha gogol waxaana uu seexdaa dhulka, laakiin dadka tuulada ayuu ugu naxariistay oo siiyay cariish yar oo uu galo kaasi oo uu iskaga ilaaliyo qabwoga habeenkii ee halista ah..
 

Leave a Reply