Raashiya ayaa daaha ka rogtay taangi dagaal oo hor leh oo ay ku magacawday Armata T-14 , waxaanay soo qadintay ka hor xafladda loo qabanayo guushii dagaalkii labaad ee dunida oo ku began 9 May.
Taangigan cusubi waxa uu ka mid noqonayaa hormo hub cusub ah oo ay Raashiya ku soo bandhigayso xafladda ballaadhan ee 9 May.
Waxaa ka soo wareegtay 70 sano markii ay ciidamadii isbahaysiga iyo Soofiyeetkii ka adkaadeen Naazigii Germany sannadkii 1945.
Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaan intooda badani tegi doonin Moosko iyada oo ay sabab u tahay qalalaasaha Ukraine.