Somaliland Oo Ka Digtay Abaabul Ciidan Iyo Colaado Soomaaliya Hurinayso Oo Saamayn Taban Ku Yeelan Karta Geeska Afrika

0
422

Hargaysa(Dawan):- Wasiirka Arrimaha  gudaha ee Somaliland   Cali Maxamed Waran-cade, ayaa cambaareeyey abaabul ciidan oo uu sheegay in   dawlada  Soomaaliya ay samaynayso,isla markaana ay ku hawlan tahay in ay ciidamo soo dhigto xuduudaha Somaliland ee Barriga dalka.
 
Wasiir Waran-cade, waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay dalka ku soo laabtay ka dib markii uu muddo laba todobaad ah socdaal shaqo ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka carabta. Wasiirku waxa uu sheegay in socdaalkiisu la xidhiidhay  dhinaca amniga iyo is-kaashiga dawladaha aynu jaar ah.
“Wadamada  aan soo maray waxaan kala hadlay arrin aanu u aragno inay tahay khatar ku soo food leh Geeska Afrika oo ay dabada ka riixayaan maamulka  Soomaaliya,  oo sida aad la socotaan innaga  iyo Soomaaliya muddo dheer waxa innoo socday wadahadalo  siyaasadeed, haseyeeshee  wada hadaladaasi waxaa  fashilayey dawladda Soomaaliya.
 
Waxaanay  imika u muuqataa inay u wareegeen oo ay arrintii u bedeleen  dhinaca Milateriga,  waxaana  jirta inay imika wadaan  ciidamo  urursi, oo ay doonayaan inay keenaan xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxaysa,  oo ay ka soo ururiyeen maamul goboleedyadda Soomaaliya, arrintaasi  oo weliba ay doonayaan inay beesha caalamka  (international community) amaba caalamka ay gacan kaga helaan iyagoo si khaldan ugu sheega, arrintaas oo daba ku haysa inay khal-khal ku galiyaan Somaliland.
 
arrintaas waanu u sheegnay madaxdii wadamadaa aanu is aragnay inay khatar weyn geeska Afrika ku soo kordhinayso, dagaalo iyo fool xumo aan loo baahnayna  ay nimankaasi meesha ka wadaan , runtii taa waanu kala hadalnay waxaanana u sheegnay inay si deg dega wax looga qabto, ”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
 
 
Wasiir  Waran-cade,  waxa  kale oo uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida geestooda ka xukuumad ahaan ay kaalin buuxda uga qaadatay sidii ay u dhamaystiri lahayd habkii iyo hanaankii ay u qabsoomi lahayd doorashadaasi balse dhinaca beesha caalamka oo Somaliland ka taakulaysa dhinaca doorashooyinka ay xagooda ka baaqatay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Runtii waxyaabo doorashadii mudada dheer dawlada Somaliland way ku hawlaneed iyo komishankaba een shaqooyinkana way qaybsanaayeen, wixii ka saarnaa dawlada ee masuuliyad ahna way ka soo baxday sida diwaan galinta madiniga ah, maadaama qof aan Somaliland ahayni aanu geli Karin gawaabsina way maraysaa, wax ay imika wax dib uga dhaceena waa arin farsamo, arintaa farsamadan waxay ka timid maaha wixii ay dawlada Somaliland gacanta ku haysay, ma aha wixii ay komishinka haynin.
 
Labadaas  qolaba way ka soo baxeen, laakiin wixii dalalka aynu saaxiibka  nahay  ee inaga caawin  jiray ee ah photo registration ama diiwaangelinta cod bixiyaasha ayey ahayd in mar lala bilaabo sidii aanu ku heshiinay international community-ga diwaan galinta madaniga ah, hase yeeshee daruufo xaga technical ah way suuro gali wayday inay taa hir galiyaan.”
 
“Waxaa  dhacday inay sanad dib u dhacdo, markaa tii baa keentay in doorashadu wakhtigeedii ay ku dhici waydo, maaha mid siyaasad dib loogu dhigay, mana aha mid dawlada Somaliland ka masuul tahay, mana aha mid shacabka Somaliland masuul ka yihiin laakiin cidii masuuliyadeeda lahayd waa lagaranayaa. Maanta  waxaan qabaa waxa loo baahan yahay amaba fool xumaba ah,  amaba hadal xun inay meesha yimaadan ma aha” ayuu yidhi Waran-cadde.
By:Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply