Degmooyinka Boorame iyo Aw Barre Oo Ka Wada Hadlay Gaadhigii Laga Dhacay Gudaha Boorame

0
425

Hargeysa(Dawan):- Maayarka degmada Boorame ahna      Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Boorame Saleebaan Xasan Xaddi,ayaa sheegay in ay maamulka degmada Aw Barre ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay kala hadleen Gaadhi wasaaradda maaliyaddu lahayd oo dhawaan koox nabad diid ahi ay ka dhaceen gudaha Boorame.
Waxaa kale oo uu  ka hadlay Maayerka Boorame qorshe ay xarumo ugu samaynayaan  Wasaaradaha dawladda ee heer degmo oo  uu tilmaamay in imika qaar badan  oo ka mid ahi ay bilaa xarumo yihiin.
Maayarku waxa uu  sidaas ku sheegay mar uu shalay u waramayay wargeyska DAWAN oo aanu xaruntooda ku soo booqday.
 
Maayarka Boorame oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay gaadhigii dhawaan laga af-duubay gudaha magaalada Boorame iyo siday uga hawl galeen,ayaa yidhi. “Gaadhigaasi wuxuu ku sugan yahay xuduudka dhanka Itoobiya run ahaantiina arrintiina  kamaanu hadhin ka maamul degmo ahaan  waxaanan ka wada hadalnay maamulka degmada Aw Barre ee kililka Shanaad meel fiicanna way noo maraysaa, xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayneedna wuu naga dhexeeyaa  degmada Aw Barre is kaashi buuxana waanu ka leenahay arrimaha nabad gelyada. Dhanka maamulka degmada Aw Barrena way ka hawl galeen xagga Somaliland-na waa laga hawl galay,  laakiin wali gacanta laguma soo dhigin waana lagu jiraa hawshiisa lagamana hadhin.”
Maayer Xaddi waxaa kale oo  aannu wax ka waydiinay eedayn ay u soo jeediyeen masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee gobolka Awdal oo ku eedeeyay maamulka dawladda hoose ee Boorame in ay tacadi ku hayso danyarta magaalada Boorame,waxaanu kaga jawaabay  “Horta WADDANI waa xisbi qaran oo mucaarid ah, mucaaradaduna maaha in wax kastaba la iska yidhaahdo ninkaa hadlayna wuxuu sheegayay iska daa dawladda hoose ee Boorama oo xataa waxaa la yaabay oo u qaadan waayay kuwii ay xisbiga ka wada tirsanaayeen wax-qabad muuqda oo degmada u soo kordhayna ninka wax ka sheegaya ee leh maxaa waddooyinka loo bannaynayaa dee  waa qof aan waxa wanaagsan doonayn dhaliisha iyo mucaaradaduna maaha sidaa markaa taa waxba ka odhan maayo.”
 
Waxaa kale oo aanu wax ka waydiinay Maayarka degmada Boorame sida ay wasaaradaha dawladdu uga hawl galaan degmada waxaannu yidhi  “Horta Wasaaradaha Dawladda badankoodu way ka wada hawl galaan degmada oo way shaqeeyaan,  laakiin waxaa jira qaar badan oo ka mid ah ayaan lahayn xarumo ay ku shaqeeyaan oo bilaa xafiisyo ah.  imikana waxaannu wadnaa in ay dhammaantood yeeshaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan oo aannu xataa laba laba u sii wada dejino,  laakiin way wada joogaan wasaaraduhu degmada Boorame.”
Maayerka oo ka jawaabayay waxa uga qorshaysan guryaha dawladda ee dadka rayidka ahi ay ku jiraan in ay gacantooda ku soo noqdaan iyo in wasaaradaha ay kuwaa dejiyaan,ayaa yidhi. “Guryaha dawladda badankooda waxaa  dhacday in xillligii burburkii la iska qabsaday oo ay degeen dad shicib ahi  dadkiina cidla laguma daadin karo markaa waxaannu wadnaa qorshe aanu iska kaashanayno ha’yada UN/HABETAT  taasoo aanu guryo ugu dhisayno dadkaa guryaha dawladda ku jira,   markaanu  guryahaa dhammaynana waanu u raraynaa guryaha dawladduna waxay noqon doonaan  qaar ku soo noqda gacanta dawladda oo baahiyaha dawladda daboola.”
Maayar Saleebaan Xasan Xaddi waxa uu kale oo uu ka hadlay u diyaar garawga sannad guurada  24-aad ee dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland,waxaannu  farriin uu u diray bulshada degmada Boorama. Waxa kale oo uu ka jawaabay warar sheegayay in shaqaalaha dawladda Hoose ay mushaharooyin badan ku leeyihiin dawladda Hoose, waxaannu yidhi
. “Horta mushaharka shaqaaluhu way jirtay mar uu ka  habsaami jiray oo ay dhawr bilood iska gaadhi jireen laakiin imika shaqaaluhu bil kasta way helaan mushaharkooda si wanaagsanna way u shaqeeyaan dakhli ururinta degmaduna aad ayay imika u wanaagsan tahay oo kor ayay u kacday, bulshada reer Boorame waxaan leeyahay waxaynu u diyaar garoobaynaa sanad guurada maalinta Qarannimada Somaliland balanteenuna waa nabadgelyo iyo horumar aynu kaalinta koowaad kaga galno degmooyinka dalka oo dhan.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply