John Kerry Oo Booqday Masaajid Ku Yaalla Dalka Jabuuti Oo uu Khudbad ku dhegaystay

0
356

Jabuuti (Dawan) – Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka   John Kerry ayaa booqasho ku tegay shalay Jamhuuriyadda  Djibouti, waana xoghaye arrimo dibadeedkii u horeeyay ee Maraykan ah  ee booqda Jabuuti.
Warkan oo aan ka soo xiganay wakaalada wararka Itoobiya ee  WIC, ayaa socdaalkaas ka qortay warbixin u qornayd sidan:-
“Mr Kerry markii uu soo gaadhay madaarka caalamiga ah  Ambouli International Airport,  waxa halkaasi ku qaabilay Wasiirka khaarajiga Jabuuti.
John Kerry oo ay weheliyaan  danjiraha Maraykanka u fadhiya   Djiboui, Mr. Tom Kelly iyo Wasiirka dibada  Jabuuti  ayaa   booqday  Masjidka  Salman Mosque ee u dhow madaarka iyo saldhigga   ciidammadda Maraykanka   ku leeyihiin  Djibouti.
Wasiirka arrimaha Diinta  iyo dhaqanka ee Jabuuti  Mr. Aadan Xasan  Aadan, ayaa halkaasi ku qaabilay weftiga isaga oo ay wehelisay ergo ka socota ha’yadaha diinta, dhalinyarro iyo arday ku  raacda Jabuuti deeqo waxbarasho.
Kerry ayaa uga mahad-naqay Wasiirka Diinta  iyo dawladdaba  soo dhaweynta taariikhiga ah ee masjidka, waxaanu ka dhegaystay warbixino ku saabsan masaajidka iyo diinta islaamka Wasiir  Aaden Xasan Aadan,  oo isagu kaga soo qayb-galay saddex bilood ka hor aqalka cad shir ku saabsanaa xagjirnimada.
Wasiir Aaden  ayaa sharraxay sida ay maalintani ugu tahay maalin weyn oo taariikhi ah Jabuuti, muslimiinta iyo guud ahaanba caalamka.  Waxa uu la wadaagay farriinta islaamka  xoghayaha maraykanka iyo dunidaba.
Wasiirku waxa uu ku dheeraaday sida ay diinta islaamku u tahay diin nabadeed, is jacayl iyo diin xaaraantinimaysay dilka. Haseyeeshee ay dad  maskaxda laga bedalay y ay u laayaan, una argagixiyaan dadka daafaha dunida oo dhan iyaga oo ku gabbanaya diinta.
 
Wasiirka Diinta iyo dhaqanka  Jabuuti, waxa uu uga mahad-naqay Maraykanka sida ay ugu muujiyaan dunida in ay diimaha oo dhammi beri ka yihiin cadaawad ay isu hayaan. Booqashada Kerry ee masjidku waxa ay muujinaysaa sida ay dunidu isku dhex-galayso iyada oo aan loo eegayn diin iyo midab.
Waxa kale oo uu ku ammaanay Kerry booqashada  uu ku galay  masaajidka oo ah hoy  muslimiintu ku cibaadeystaan aadna  u xurmeeyaan.
Xoghaye dibadeedka Maraykanka booqashadiisa oo qaadatay maalin badhkeed waxa kale oo uu kula kulmay madaxweynaha Jabuuti, saraakiil Maraykan ah iyo xubno kale.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply