Gudidda Guurtidda Ee Ka Soo Tallo-bixinta Muddo Kordhinta Oo La Kulmay Xisbiyadda Iyo Komishanka

0
341

Hargaysa (Dawan): Xubnaha gudidda   golaha Guurtida ee loo xilsaaray inay ka soo tallo-bixiyaan qorshaha la doonayo in muddada loogu kordhiyo wakhtiga ay qabsoomayaan  doorashooyinka  madaxtooyadda iyo wakiiladda  oo maalmahan kulamo gooni-gooni ah la yeelanayay  dhinacyadda ay khusayso arrintaasi, ayaa  shalay  waxay kulamo la yeesheen masuuliyiinta  xisbiga Kulmiye iyo gudidda doorashooyinka.
 
Gudidan  oo ka  kooban 29-xubnood oo laga soo xulay golaha guurtidda ayaa hawshoodu tahay  in ay keenaan  muddo kordhin loo  sameeyo xukumadda iyo golaha wakiiladda oo la qorsheeyay in ay doorashadoodu dhacdo badhtamaha sanadkani, haseyeeshee la sheegay in ay dib uga dhaceen wakhtigaasi.
Waxaanay wararku sheegayaan in kulankaasi ay gudidda guurtidu la yeesheen komishanka doorashooyinka iyo madaxda sare ee xisbiga Kulmiye  ay iskula soo qaadeen   arrimo la xidhiidha sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiialdda  iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Guddoomiyaha gudidda doorashooyinka C/qaadir Iimaan Warsame, oo warbaahinta la hadlay ka dib markii kulankaasi dhamaaday waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid ay dhinacyadu kaga arrinsanayeen sidii  la iskula qaadan lahaa in wakhti la isla ogol yahay  doorashooyinku ay dalka ka qabsoomaan.
 
Waxaanu  intaa raaciyay C/qaadir Iimaan in kulankaasi uu ku soo dhamaaday is-afgarad, hase yeeshee mar ay saxaafadu waydiisay guddoomiyaha  inuu si cad u sharaxo rasmi ahaan waxa uu kulankaasi ku saabsanaa iyo waxyaabihii ay isla afgarteen, ayaa ka  gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo.
 
Dhinac kale hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye oo ay gudidaasi kulan la yeesheen ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen  sida ugu haboon ee doorashooyinka loo hirgelin karo iyo sidoo kale in mudadda doorashadda ka horaysa la dhamaystiro shuruucda loo baahan yahay,  sida in dalka laga sameeyo  diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
 
Waxaanay  mas’uuliyiinta xisbiga Kulmiye sheegeen inay u gudbiyeen gudidaasi  tallo-bixinta sida ay iyaga ula muuqato in lagu samayn karo muddo kordhinta xukuumadda iyo golaha wakiiladda si ay doorashooyinku u qabsoomaan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbul-xaakimka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,  ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay qodobadii ay ergadda guurtidda ka wada hadleen, waxaanu yidhi  “Dastuuriyan anagu xaq uma lihin muddo kordhinta, laakiin waxaanu ku talinay, iyagoo ka duulaya ergadu arrimaha doorashooyinka soo socda iyo xil-gudashadoodda  inay wakhti macquul ah  oo ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan ay u qabtaan.
Waxyaabaha aanu sida gaarka ah u tilmaamay waxaa ka mid ah doorashadan imiku  waa doorasho inagu cusub, waxaana la isa-saaray doorashadda  madaxtooyadda iyo ta golaha wakiiladda.
Sidaas darteed, waxyaabaha dhiman waxaa ka mid ah:
. Doorashadda golaha wakiiladda sharcigii lagu maamuli lahaa ilaa imika lama hayo, oo ma samaysna.
. Waxa kale oo inoo yaala golaha wakiiladda oo laba xili fadhiyay, xeerkii lagu doortay berigii hore  iyo saamigii lagu qaybiyay ee goboladda wuxuu ahaa mid hal mar ah.   kii hore imika ma shaqeeyo, markaa waa in xeer cusub loo sameeyaa”.
 
Gudidan loo xilsaaray inay ka soo tallo-bixiyaan muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda oo  sidoo kale Isniintii doraad  kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan axsaabta mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, waxaana la sheegay inay kala hadleen arrimo la xidhiidha  wakhtiga ugu haboon ee doorashooyinka dalka la qaban karo.
Sida  uu sheegay af-hayeenka xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, oo saxaafadda uga warbixiyay kulankii  ay ergadda guurtidu la yeesheen iyo qodobadii ay isla soo qaadeen, waxaanu yidhi “Kulankaasi markii uu furmay ka dib,  guddoomiyaha golaha guurtidu hal su’aal ayuu na waydiiyay oo ahayd arrinka maanta taagan, kaasi oo aanu u qaadanay maalinta Komishanku cayimay iyo hadaladda ka taagan.
Markaa  anagu dar-daarankayagii  ayaanu bixinay iyo waxa ay nala tahay, oo ah in aanu khilaaf taagnayn, ee maalintaasi ay Komishanka doorashooyinku cayimeen, oo ay xaq iyo   xeerba u leeyihiin la sharciyeeyo, oo maalin iyo daqiiqad toona aan lagu darin”.
By: Khadar Cabdi Muse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply