Suldaan Samatar Oo Ugu Baaqay Guurtidda Inay Qaataan Go’aan Ay Dalka Kaga Badbaadinayaan Dawlad La’aan

0
366

Hargeysa (Dawan)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo  ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa ku baaqay in Golaha Guurtidda lagu tix-geliyo inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, isla markaana ay dalka ka badbaadiyaan  inuu ku dhaco dawlad la’aan.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxa uu sheegay in Golaha Guurtidu ay xaq u leeyihiin inay sharciyadda waafajiyaan dhawaaqii Guddida doorashooyinka qaranka.
 
“Komishanka Doorashooyinku waa Ha’yaddii  aan u xil-saarnay doorashooyinka, waxaana ay ka masuul yihiin doorashada iyo xiliga ay dhacayso, taasna way caddeeyeen oo waxa ay tilmaameen in farsamo ahaan ay u qabsoomi karto doorashaddu  1 sanno kadib, waa bisha June 2016-ka, balse Golaha Guurtidda ayaa iska leh Ansixinta muddo kordhinta inta ay doontaba ha ahaatee, sidaas awgeed, waxa aan leeyahay Komishanka shaqadooda ha loo daayo, hana loo daba fadhiisto, hawsha ay u xil saaran yihiin, Annagu haddii aan nahay oday dhaqameed, waxa aan taageeraynaa nabadda iyo xasiloonida, Golaha Guurtiduna, waa Golahii hormuudka u ahaa xasiloonida iyo ilaalinta nabadgalyada, loomana baahna in la aflagaadeeyo oo shaqadooda loo dhaafo,”ayuu yidhi Suldaab Ibraahim Jaamac Samatar oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.
 
Sidoo kale Suldaan Samatar waxa uu wax laga xumaado ku sifeeyay  Odaydhaqameed dhigiisa ah oo uu xusay inay ka soo yeedhayaan dhawaan  hadallo deel qaaf ku ah qaranimada waxaannu yidhi  “Waa nasiib darro in la maqlo odayaal TV-yada soo fadhiisanaya oo leh haddii aanu reer Hebel nahay dalkan waxaas ayaa ka dhacaya, waxa aan leeyahay arrintaasi waa wax laga xumaado, Somaliland-na qabiil kaliyi  ma laha ee beelaha Somaliland ayaa wada leh oo Burco ku dhisay 1991-kii, beel kaliyahina dalkan waxba kama samayn karto, waxaanan leeyahay odayaasha hadalkaas ku hadaaqayaa runta ha u soo noqdaan oo ha ka tanaasulaan, hana iska daayaan hadaladaas xanafta ku ah qaranka 24 jirsaday.”
Suldaan Samatar waxa uu dhinaca kale dhaliilay dhaqdhaqaaqyadda kooxda la baxday madasha wada tashiga, waxaannu yidhi “Dalkani waxa uu leeyahay Ha’yad  dastuuri ah oo dhismay, waxa aan la yaaban nahay  halka ay madashan isku magacawday Wada tashigu kaga jiraan, waxa ka sii daran oo aan la yaaban nahay  ragan is urursaday ee ilmo adeerta ah ee beesha kaliya ka kooban  waxa ay ka tashanayaan, waa arrin kale oo aan loo joogin oo aanan meesha qaban, waxaanan  leeyahay madashaay dalka qaska iyo khal-khalka ka daaya.”
“Shacabka waxa aan leeyahay nabadgalyada ilaashada, midnimada ilaaliya, wada jirka ilaaliya, dawladana aan u daba fadhino shaqada ay innoo hayso, isla markaana aan ogsoonaano in aan loo baahnayn in dalku meel cidlo ah ku dhaco, si  taas looga gaashaantana dawladan la doortay ee doorashada ku timid. Waxaana madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka bedali kara uun madaxweyne la soo doortay,”ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.
Degmooyinka  Boorame iyo Aw Barre Oo Ka  Wada Hadlay Gaadhigii Laga Dhacay Gudaha Boorame
Hargeysa(Dawan):- Maayarka degmada Boorame ahna      Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Boorame Saleebaan Xasan Xaddi,ayaa sheegay in ay maamulka degmada Aw Barre ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay kala hadleen Gaadhi wasaaradda maaliyaddu lahayd oo dhawaan koox nabad diid ahi ay ka dhaceen gudaha Boorame.
Waxaa kale oo uu  ka hadlay Maayerka Boorame qorshe ay xarumo ugu samaynayaan  Wasaaradaha dawladda ee heer degmo oo  uu tilmaamay in imika qaar badan  oo ka mid ahi ay bilaa xarumo yihiin.
Maayarku waxa uu  sidaas ku sheegay mar uu shalay u waramayay wargeyska DAWAN oo aanu xaruntooda ku soo booqday.
 
Maayarka Boorame oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay gaadhigii dhawaan laga af-duubay gudaha magaalada Boorame iyo siday uga hawl galeen,ayaa yidhi. “Gaadhigaasi wuxuu ku sugan yahay xuduudka dhanka Itoobiya run ahaantiina arrintiina  kamaanu hadhin ka maamul degmo ahaan  waxaanan ka wada hadalnay maamulka degmada Aw Barre ee kililka Shanaad meel fiicanna way noo maraysaa, xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayneedna wuu naga dhexeeyaa  degmada Aw Barre is kaashi buuxana waanu ka leenahay arrimaha nabad gelyada. Dhanka maamulka degmada Aw Barrena way ka hawl galeen xagga Somaliland-na waa laga hawl galay,  laakiin wali gacanta laguma soo dhigin waana lagu jiraa hawshiisa lagamana hadhin.”
Maayer Xaddi waxaa kale oo  aannu wax ka waydiinay eedayn ay u soo jeediyeen masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee gobolka Awdal oo ku eedeeyay maamulka dawladda hoose ee Boorame in ay tacadi ku hayso danyarta magaalada Boorame,waxaanu kaga jawaabay  “Horta WADDANI waa xisbi qaran oo mucaarid ah, mucaaradaduna maaha in wax kastaba la iska yidhaahdo ninkaa hadlayna wuxuu sheegayay iska daa dawladda hoose ee Boorama oo xataa waxaa la yaabay oo u qaadan waayay kuwii ay xisbiga ka wada tirsanaayeen wax-qabad muuqda oo degmada u soo kordhayna ninka wax ka sheegaya ee leh maxaa waddooyinka loo bannaynayaa dee  waa qof aan waxa wanaagsan doonayn dhaliisha iyo mucaaradaduna maaha sidaa markaa taa waxba ka odhan maayo.”
 
Waxaa kale oo aanu wax ka waydiinay Maayarka degmada Boorame sida ay wasaaradaha dawladdu uga hawl galaan degmada waxaannu yidhi  “Horta Wasaaradaha Dawladda badankoodu way ka wada hawl galaan degmada oo way shaqeeyaan,  laakiin waxaa jira qaar badan oo ka mid ah ayaan lahayn xarumo ay ku shaqeeyaan oo bilaa xafiisyo ah.  imikana waxaannu wadnaa in ay dhammaantood yeeshaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan oo aannu xataa laba laba u sii wada dejino,  laakiin way wada joogaan wasaaraduhu degmada Boorame.”
Maayerka oo ka jawaabayay waxa uga qorshaysan guryaha dawladda ee dadka rayidka ahi ay ku jiraan in ay gacantooda ku soo noqdaan iyo in wasaaradaha ay kuwaa dejiyaan,ayaa yidhi. “Guryaha dawladda badankooda waxaa  dhacday in xillligii burburkii la iska qabsaday oo ay degeen dad shicib ahi  dadkiina cidla laguma daadin karo markaa waxaannu wadnaa qorshe aanu iska kaashanayno ha’yada UN/HABETAT  taasoo aanu guryo ugu dhisayno dadkaa guryaha dawladda ku jira,   markaanu  guryahaa dhammaynana waanu u raraynaa guryaha dawladduna waxay noqon doonaan  qaar ku soo noqda gacanta dawladda oo baahiyaha dawladda daboola.”
Maayar Saleebaan Xasan Xaddi waxa uu kale oo uu ka hadlay u diyaar garawga sannad guurada  24-aad ee dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland,waxaannu  farriin uu u diray bulshada degmada Boorama. Waxa kale oo uu ka jawaabay warar sheegayay in shaqaalaha dawladda Hoose ay mushaharooyin badan ku leeyihiin dawladda Hoose, waxaannu yidhi
. “Horta mushaharka shaqaaluhu way jirtay mar uu ka  habsaami jiray oo ay dhawr bilood iska gaadhi jireen laakiin imika shaqaaluhu bil kasta way helaan mushaharkooda si wanaagsanna way u shaqeeyaan dakhli ururinta degmaduna aad ayay imika u wanaagsan tahay oo kor ayay u kacday, bulshada reer Boorame waxaan leeyahay waxaynu u diyaar garoobaynaa sanad guurada maalinta Qarannimada Somaliland balanteenuna waa nabadgelyo iyo horumar aynu kaalinta koowaad kaga galno degmooyinka dalka oo dhan.”
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply