Qiso: Dhinaca Wanaagsan Aan Wax Ka Eegno

0
383

Qoraa weyn ayaa qolkiis akhriska fadhiistay waxaana uu soo qaatay qalin markii sanadku dhamaaday, wuxu ku qoray: “Sanadkii tegay waxaan galay qaliin kaadi haysta ah, waxaan sariirta jiifay muddo dhowr bilood ah, waxaana aan gaadhay da’da lixdanka ka dibna waxa la iga fadhiisiyay shaqadii Daaru Nashri oo aan ka shaqaynayay muddo 30 sano ah, sanadkaasi waxa dhintay aabahay, wiilkayguna wuxu dhacay imtixaankii jaamacadda caafimaadka, ka dib markii uu ka maqnaa waxbarashada dhawr bilood oo uu galay shil gaadhi”. Waxaana uu qoraalkiisa ku soo xidhay “ Wuxu ahaa sanad xun”.
Gabadhiisa ayaa ka dib soo gashay qolkii akhriska waxay aragtay warqadii wayna akhriday way iska baxday iyadoon la hadal, laakiin haddana wax yar ka dib ayay soo noqotay iyadoo gacanta ku sidta warqad kale waxayna si degan u ag dhigtay warqadii uu qoray ninkeedu. Ninkii ayaa qaaday warqadii gabadhiisa waana uu akhriyay waxa ku qoraa : “ Sanadkii tegay waxaad ka bogsatay xanuun kaadi haysta ah oo muddo dheer aad la dhibaatoonaysay, waxaanad gaadhay lixdan sano adigoo caafimaad qaba, waxaad ka fadhiisatay shaqadii si aan wakhti ugu hesho qoraalada kutubta aan alifto,  waxa agtaada ku dhintay aabaha oo gaadhay 85 sano iyadoo aan wax dhibaato ahi ka qabsan isan dhib ahi gaadhin, wiilkaaga ayaa ka badbadaay shil baabuur iyadoo wax raad ah ku reebin oo naafo ah” Waxayna ku soo xidhay “ Wuxu ahaa sanad wanagsan, wanaagga aan helay ayaa ka badana waxa na soo gaadhay”  . Sidaas ayay dadku midba dhinac uga eegaa arrimo isku mid ah.
 

Leave a Reply