Askarigii Ugu Yaabka badna Dunida

0
628

Askariga reer Japan Shoichi Yoko ayay qisadiisu noqotay mid yaab xambaarsan. Sida xusuus qoraalkiisu sheegayo wuxu dhashay sanadkii 1915. Sanadkii 1944 waxa uu ka mid ahaa ciidankii Japan ee degena jasiiradda Gowam. Jasiiradaasi ayuu Maraykanku soo weeraray ciidankii degenaa.  Wakhtigaasi ayuu Shiichi iyo 9 kale oo ciidanka ka mid ahi ay galeen kaymaha iskuna qariyeen. Todoba ka mid ahaa ayaa maalmo ka dib iska tegay, laakiin askarigan iyo saddex kale ayaa iyagu weli isku qarinayay kamahan si aanay u qaban ciidanka Maraykanku. Halkaasi ayay ku nolaayeen iyagoo cuni jiray xayawaanada ay ugaasadaan iyo wixii midhaha dhirta kaymaha ilaa la gaadhay sanadkii 1962 iyagoon war u hayn inuu dagaalkii dhamaaday iyo in kale. Laakiin isla sanadkaasi ayay dhinteen  saaxibadii ka dib duufaan halkaasi ka dhacay oo burburiyay qaybo badan oo ka mid ah kaymaha. Laakiin Shoichi Yoko  wuu noolaa waan uu ka nabad galay duufaankaasi.
 
Caleemaha geedaha ayuu ka dhigan jiray dhar iyo weliba gogol.Sanadkii 1972 ayay koox beeralay ahi la kulmeen kuwaasi oo ku qanciyay markii ay waraysteen inuu dhamaaday dagaalkii ayna tahay inuu ku noqdo dalkiisa. Waxa uu ka ogolaaday inuu soo baxo waxaana lagu sameeyay baadhis caafimaad oo dhinac jidhka iyo maskaxdaba ah, wakhtigaasi uu  rumaystay in dagaalkii dhamaaday ayuu yidhi “ Xaalado adag oo badan ayaa na soo maray, laakiin haddana waan soo noqonay”  waxa loo dhiibay waraaqo cadaynaya in dagaalkii dhamaaday oo uu ku rumaystay, isagoo u haystay markii hore inay ahayd arin lagaga so saarayay is qarintii.
Askarigan ayaa sanadkii 1997 dhintay isagoo wakhtigaasi ay da’diisu ahayd 82 sano.
 

Leave a Reply