Haweenay aan Xanuun Dareemeynin

0
459

27-kii sano ee nolosheeda, Marisa de Toledo oo u dhalatay dalka Brazil, waxa ay dhashay saddex carruur ah iyada oo aan lagu durin irbadaha xanuun baabi’iyaha ah. Sida oo kale suulka ayaa mar ka go’ay waxaana jidhkeeda ku yaalla nabaro badan, hasayeeshee waligeed xanuun ma dareemin.

Waxa ay dhalatay iyada oo qabta isir side ciladaysan oo la yidhaahdo analgesia, waxa uuna ka dhigay in aysan dareemin wax xanuun ah.

Xaaladan oo la rumeysan yahay in ay qabaan ilaa iyo 50 qof dunida oo dhan, ayaa marmarka qaar waxa ay u muuqataa wax uu Ilaaheey qofka ugu deeqay, balse dhab ahaantii waa mid nolosha qatar galinaysa.

Mrs Toledo ayaa xitaa waa ay seexatay markii ay dhalaysay cunageeda labaad.

 

Mar ay anqawga ka jabtay iyadoo 7 sano jir ah ayuu dhakhtartku ogaaday in ay xanuunka u adkeysan karto.

Dhaqaatiirta ayaanan ilaa iyo haatan fahmin waxa sababa isir sidahan ciladaysan, lamana garanayo dawadiisa.

Dadka sida Marisa oo kale ah waxa ay leeyihiin dareen caadi ah oo marka la taabto waa ay dareemayaan, oo waa ay garanayaan markii ay cimiladu kulushahay ama qabowdahay, hasayeeshee maskaxdooda si un bay ugu guuldareysataa in ay fahmaan marka qatar ay soo wajahayso.

Waxa ay xusuusataa maalin uu jiray qabow markaa oo ay dabka agtiisa fadhiisatay, kaddibna uu dhabarkeeda oo dhan gubtay iyadoon waxba dareemin.

 

Waloow xaaladan caafimaad ay tahay mid ku timaada isir side ciladaysan haddana Marisa saddexda caruurta ah ee ay dhashay kama aysan dhaxlin arrintan.

Waxa ay sheegeysaa in ay aad u jeclaan lahayd inay dareento sida uu xanuunku yahay.

Leave a Reply