44 Xildhibaan oo Mooshin Daray ah u Gudbiyay Shir-gudoonka Golaha Wakiiladda

0
332

Hargeysa (Dawan) -44 Xildhibaan ayaa shalay Golaha Wakiiladda hor-geeyay mooshin la xidhiidha wax ka bedal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka  maamulka goboladda iyo degmooyinka dalka.
Xildhibaanadu waxay mooshinkooda ugu gudbiyeen shir-gudoonka fadhigii shalay ee Golaha oo uu Guddoomiyay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro,
Shir-gudoonka wakiilada ayaa  fadhiga ka sheegay in mooshinkani waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha wakiilada, fadhiyada soo socdana laga doodi doono.
 
Xeer hoosaadka golaha wakiilada ayaa waxa uu dhigayaa in golaha ay mooshin keeni karaan 11 xildhibaan, maadaama tirada xildhibaanada ah mooshinkan golaha wakiilada hor keentay ay waafaqsan tahay xeer hoosaadka waxa la filayaa in golaha wakiiladu maalmaha soo socda falayqayn iyo lafagur ku samayn doono mooshinkan la horkeenay.
 
Geesta guddi hoosaadka  daryeelka iyo illaalinta hantida qaranka ayaa kulan is xog-waraysi ah la yeeshay  Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.
 
 
 
“Guddida waxaannu iska waraysanay hawlo badan oo ay ka mid yihiin sidii aannu u wada shaqayn lahayn, maadaama oo ay iyagu yihiin wakiiladii annaguna aannu nahay fulintii. Waxaanu isla garanay in aanu sii xoojino hawlaha aanu wadno sida garsoorka iyo cadaalada,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaalladda Xuseen Axmed Caydiid oo warbaahinta la hadlay kulankaasi ka dib.
 
 
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Wax kastaana waxay ku xidhan yihiin awooda dhaqaale, in badan waxaannu ku dedaalay in aanu wax ka helno hay’addaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ahba waxna waa nooga suurtoobeen.”
 
Gudoomiye ku-xigeenka guddidaas Md. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud isagoo sharaxaad ka bixinaya kulankaas ay ugu yeedheen Wasiirka cadaalada waxa uu yidhi “Wasiirka wax badan baanu iska waraysanay, arrimo badan oo aanu si fiican iskula garanay way jiraan.”
 
“Wasiirka waxaannu wax iska waydiinay gobolo badan oo loo baahan yahay in kor loo qaado nidaamkooda cadaalada wasaaraduna xarumo ku yeelato arrimahaasna si fiican baanu iskula qaadanay,”ayuu intaas raaciyay Xildhibaan C/Qaadir.
 
Guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa mudooyinkii u dambeeyeyba waxay kulamo joogto ah la yeelanaayeen qaar ka mida masuuliyiinta qaranka, iyagoo ka xogwaraysanaayay hawlaha ay qarana u hayaan.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply